Ruushka oo is maahin bilaabay xilli maanta la sugayey inuu dib u furo dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2022 – Shirkadda Siemens Energy ee Jarmalka ayaa diyaar u ah inay saxdo cilladda marawaxadaha marinka gaaska dabiiciga ah ee Nord Stream 1, laakiin hadda ma jirto meel loogu adeego qalabka xumaaday, sida ay maanta sheegtay shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom.

“Siemens waxay ka qaybqaadanaysaa dayactirka iyadoo la raacayo shuruudaha qandaraaska hadda jira [Gazprom], waxay ogaatey cilladaha waxayna saxiixday qaab lagu ogaanayo saliidda liigaysa, waxayna diyaar u tahay inay hagaajiso,” ayay shirkadda Ruushku ku sheegtay kanaalka Telegram. .

“Kaliya ma jirto meel lagu fuliyo shaqooyinka dayactirka.” ayay Gazprom ku dartay, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Horraantii usbuucan, meel saliidda daynaysa ayaa laga helay marawaxadaha gaaska riixa intii lagu guda jirey kormeer wadajir ah oo ay la sameeyeen Siemens Energy saldhigga riixitaanka gaaska ee Portovaya ee u dhow St.Petersburg.

Gaaska dabiiciga ah ee soo mara Nord Stream, oo ah marin gaas ah oo wayn oo ka yimaada Ruushka islamarkaana taga Yurub, kaasoo joojiyey muddo aan la cayimin sababo lagu sheegay gaas liigaya.

Yeelkeede, dhuuntan ayaa lagu wadey inay dib u howl bilowdo subaxnimadii Sabtidan kaddib hakintaa dayactirka ah oo saddex maalmood ahayd, balse Ruushka ayaa bilaabay inuu is maahiyo.

Hadalsame Media