Kooxda Inter Milan oo ka carootey arrin uu Pioli u adeegsadey kicinta laacibiinta Milan (Maxaa kale ood moog tahay?)

0

(Milano) 04 Sebt 2022 – Kooxda AC Milan ayaa shalay markale lib kala hoyaaddey Derby della Madonnina kaddib markii ay 3-2 iskaga reebtay kooxda Inter, kulan lagu tilmaamay midkii ugu xiise badnaa ee ilaa haatan laga ciyaaray 5ta horyaal ee Yurub ugu horreeya.

Rafael Leao waa ciyaaryahankii ugu horeeeyey ee 2 gool iyo 1 caawin ka sameeya Milan Derby tan iyo Andriy Shevchenko kulankii ay Milan 6-0 kaga badisay Inter 11 Maajo 2001-kii.

Xilligii loo taagnaa astaanta Serie A kahor intii aan kubbadda la baasan Theo Hernandez ayaa ku hungoobey salaan uu u taagey Hakan Calhanoglu, taas oo shidday dhimbilihii ugu horreeyey ee Derby-ga.

Macallinka AC Milan ee Stefano Pioli ayaa waxa uu howlwadeenka waydiistey sawir laga sameeyey qoraal uu maalmo kahor soo dhigay Calhanoglu oo u dhignaa: “Waxaa gudeheenna ka shidan dab.”

Pioli ayaa deeto sawirkii surey qolka lebiska Milan si uu digniin u siiyo laacibiinta oo uu u sheegay inay Calha garoonka ugu jawaabaan, arrintaasoo aysan jeclaysan kooxda Inter.

Halkan ka DAAWO jawigii dhammaadka…

Hadalsame Media