MW Deni oo qaaday tillaabo ku xumays ah laakiin wanaag u fasirantay loona baahan yahay mar kasta

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2022  – MW Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dhowaan gaarey caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe.

Waxaa halkaa kusoo dhoweeyey oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ugu tegey, MW Maamulka Puntland Md Siciid Cabdullaahi Deni, Xigeenkiisa Md Axmed Cilmi Karaash, Wasiirro iyo Xildhibaanno maamulkiisa ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Yeelkeede, sida uu fahamsan yahay warqaadka Hadalsame Media, Deni ayaa woxoogaa hoos u dhigayey wax ay dadka qaar ku sheegaan “Maamuuska Federaalka”, isagoo ka duulaya xurguf yar oo kala dhaxaysa MW DF.

Sidaa darteed, ma jirin rakadii la fuulayey ee labada calan laga lalmin jirey sidii 2 dal oo siman oo is booqanaya, taasoo ay kaliya ka harsanayd in 2 astaan calan la garaaco.

Yeelkeede, baaqashada arrintan ayay dad badan oo midnimada ummadda Soomaaliyeed jeceli waxay ku tilmaameen mid loo baahan yahay iyo KHAYRKII MADOOBAA, si hubaal looga dhigo in dadka la dareensiiyo inuu dalku hal calan iyo hal MW leeyahay.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media