”Sidaa ma yeeleen!” – Amiir Harry oo ka shallaayey arrin uu sameeyey markii ugu dambaysey oo uu la hadlo hooyadii kahor intaysan dhiman

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2022 – Amiir Harry ayaa sanado badan si aad ah usoo bandhigayey saamaynta ay geerida hooyadii ku yeelatay caafimaadka dhimirkiisa. Waxa uu ahaa 12 jir kaliya markii Diana, Princess of Wales ay ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay Paris. Amiirka oo sheegay sida uu u xusuusto geeridii hooyadii ayaa doonaya inuu taa ku beero caruurtiisa.

In kasta oo isaga iyo Amiir William ay daaha ka qaadeen dhowr sheeko oo gaar ah oo ku saabsan Diana 25-kii sano ee kasoo wareegtay dhimashadeeda, waxay sidoo kale ka hadleen sida ay uga xun yihiin sida uu u dhacay wada hadalkoodii ugu dambeeyey.

Labadan amiir oo xilliga dhalinyarada ahaa ayaa fasax ku joogay Balmoral iyaga, aabbahood iyo xubnaha kale ee qoyska boqortooyada markii ay maqleen warka dhiillada leh.

Amiir Harry ayaa sanadkii 2017-kii daaha ka qaaday in uu aad uga qoomamaynayo markii ugu dambeysey ee uu la hadlo hooyadii isaga oo aad u dhararayey in uu isa saaro taleefoonka si uu dibedda ugu soo ciyaaro.

Dukomenteriga ‘Diana, Hooyadeen’, Amiirrada William iyo Harry waxay dib u gocdeen qaar ka mid ah xusuustii hooyadood waxayna ka hadleen waqtiyadii ugu dambeeyey ee ay arkaan.

Harry wuxuu yiri: “Runtii, dhab ahaantii, ma xasuusan karo waxaan iri. Laakiin waxa kaliya ee aan xasuusto ayaa ah in aan ka qoomamaynayo inta noloshayda ka harsan sida uu u gaabnaa waqtigii wicitaanka telefoonka.

“Haddii aan ogaan lahaa inay taasi ahayd markii ugu dambaysey ee aan la hadlo hooyadey – waxyaalihii aan ku dhihi lahaa ayaa igu taagan.” ayuu raaciyey.

William wuxuu ku daray: “Waxaan xasuustaa inaan dareemayey kabaabyo, jahawareer, wareer. Oo waxaad is waydiinaysaa, ‘Maxay tahay sababta ay aniga iigu dhacday?’ ‘Sabab? Maxaan sameeyey? Waa maxay sababtu? Maxaa sidan noogu dhacay?’

William ayaa ka cowday arrin kale oo ah in hooyadii oo dhimatay 31-kii Agoosto 1997 lana aasay 6-dii Sebtembar, isaga oo yar lagu khasbay inuu naxashkeeda daba socdo iyadoo ay dunida oo dhami daawanayso.

”In ilmo yar sidaa yeel lagu yiraahdo sax ma aha duruuf kasta oo jirta.” ayuu yiri isagoo sheegay inay geeridii faj’ada ahayd ee hooyadii la ahayd sidii dhul-gariir oo kale.

Hadalsame Media