”Waxaan helnay ogaysiis rasmi ah!” – Dal maraakiibta dagaalka Maraykanka u diidey inay kusoo xirtaan dekedihiisa (Dal loo malaynayo inuu arrintan ka dambeeyo)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2022 – Jasiiradaha dhaca jasaa’irka Solomon Islands ayaa si ku meel gaar ah u diidey maraakiibta Ciidamada Badda ee Maraykanka inay soo galaan dekedahooda bilo uun kaddib markii uu dalkaasi uu heshiis dhinaca amaanka iyo iskaashiga ah la saxiixday Shiinaha, sida ay sheegtay Safaaradda Maraykanka ee Canberra ee dalka Australia.

“29-kii Agoosto, Maraykanku waxa uu wargelin rasmi ah ka helay dowladda Sulaymaan Islands taasoo ku saabsan joojinta dhammaan booqashooyinka badda, iyada oo la sugayo wixii kasoo kordha hab-howleedka wada shaqayneed.” ayay tiri Safaaraddu.

Dhanka kale, Manasseh Sogavare, oo ah Ra’iisul Wasaaraha waddankan Baasifigga ku yaalla, ayaa ka codsaday saaxiibbada waddankaasi inay siiyaan dowladda waqti ay ku dejiso hab cusub oo loo mari doono booqashooyinka dekedaha dalkaasi.

Sida laga soo xigtey wasiirka, oo email-ka loogu diray Reuters, markii la ansixiyo, xeerarka cusubi” waxay si caalami ah u khuseeyn doonaan dhammaan maraakiibta badda ee caalamiga ah ee dalkaa booqanaya.”

Isagoo hadalkiisa oo sii wata ayaa uu sheegay in  dalkiisu uu la kulmo nasiib-darro ku saabsan maraakiibta shisheeye ee badda dalkaasi soo galaysa muddo sannad ah iyada oo aan la siinin oggolaansho diblamaasiyadeed.” isaga oo aan si cad wax u cayimin.

23-kii Agoosto, markab ay leeyihiin Ilaalada Xeebaha Maraykanka oo codsaday ogolaansho uu shidaal kaga qaadan lahaa deked dalkaa ku taalla ayaa jaakiraad iyo aamusnaan kala kulmay mas’uuliyiinta Jasiiradaha Solomon.

Waqtigaas, Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Kirby, ayaa sheegay in Washington ay “ka niyad jabsan tahay go’aankan”, iyagoo markii dambe ku xirtey jasiirrada Papua New Guinea.

Soloman Islands ayaa heshiisyo u badan iskaashiga ammaanka bishii Abriil ee sanadkan la galay Shiinaha waxaana xilligaa heshiiska ka qayladhaamiyey Australia iyo dalal kale oo reer Galbeed ah oo saluugey wax ay ku sheegeen “Daahfurnaan la’aanta iyo dabeecadda aan la cayimin” ee heshiiskan, iyadoo loo badinayo inay tillaabadan raad ku yeelan karto Beijing.

Hadalsame Media