Dalalka Midowga Yurub oo 21 bilyan oo Euro ku khasaaraya tillaabo ay Ruushka ku xumaynayeen

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2022 – Midowga Yurub ayaa waxay khasaari doonaan qiyaastii € 21 bilyan oo Euro ($ 20.97 bilyan) haddii ay dalxiisayaasha Ruushka ka horjoogsadaan inay soo galaan dalalka ururka, sida uu sheegay Afhayeenka Aqalka Sare ee Duma Md Vyacheslav Volodin oo hadalkan ku qoray boggiisa rasmiga ah ee Telegram-ka, isagoo ka faalloonaya waxa uu ugu yeeray “mamnuucidda muwaadiniinta Ruushka ee inay galaan EU.”

“Marka loo eego qiyaasaha muxaafidka ah, Yurub waxay khasaari doontaa € 21 bilyn oo Euro sabab la xiriirta xannibaadaha muwaadiniinteena Ruushka. Iyaga oo daah bir ah ku dhejinaya dalalkooda, waxay isku ciqaabaan nacasnimadooda iyo jaahilnimadooda darteed,” ayuu ku dooday Volodin.

Sida laga soo xigtey sarkaalka, 80% dadka adduunku ma taageersana cunaqabataynta ka dhanka ah Moscow, taas oo macnaheedu yahay in dalxiisayaasha Ruushku ay helayaan meelo ay booqdaan oo aan ahayn Midowga Yurub.

Intaa waxaa dheer, wuxuu soo jeediyey in kaabayaasha dalxiiska ee Ruushka la horumariyo si loo daboolo safarrada dalxiis ee gudaha dalwaynaha Ruushka.

“Waxaan leenahay meelo aad u qurux badan. Wax walba waa in la sameeyaa si loo abuuro xaalado lagu hormarinayo safarka iyo madadaalada ee waddankeenna. “ayuu soo jeediyey.

Hadalsame Media