SAWIRRO: Maraykanka oo sheegay war ka farxinaya Somalia (Taliyaha Ciidamada Badda Maraykanka oo Muqdisho jooga)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2022 – Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Larry E. André, Jr. ayaa soo dhoweeyey Jeneraalka u Taliya Ciidamada Badda Maraykanka ee USMC, Jen Michael Langley.

”Waxaan bixinnaa kaalmo amni oo xoojinaysa iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyadoo Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso mas’uuliyadda ka ilaalinta ammaanka dadka Soomaaliyeed ee rabshadaha iyo baadda kooxaha xag-jirka ah.” ayuu bayaan kooban ku yiri Danjiruhu.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa isna Muqdisho ku qaabiley Jen. Michael Langley oo bedelay Taliyihii hore ee AFRICOM Jen. Stephen Townsend.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyey Abaanduulaha Ciidanka XDS, La Taliyeyaal iyo Saraakiil kale iyaga oo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo qorshayaasha la dagaallanka Alshabaab.

Warkan ayaa ka dhigan in Maraykanku uu taageeri doono Ciidamada Ammaanka ee DF Soomaaliya, balse weli ma cayimin qaabka farsamo ee uu taas u marayo.

Maraykanka ayaa tababaray ciidamado aan sidaa u badnayn oo ay qaybi tahay kuwa Alpha Group oo haatan aad u sumcad beelay kaddib dhowr howlgal oo ay sameeyeen oo fashilmay iyo kuwa Danab ee Komaandooska ah.

Yeelkeede, inay Somalia gacanta ku dhigto ayaa u baahan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay bisayl iyo rabitaan siyaasadeed oo lagu dhiso ciidan xirfadleey ah, taasoo taliskii hore uu ilaa xad isku dayey, waloow ay sheekadu barriiqatay markii ay ku biyo shubatay rabitaan shakhsi ah.

Maraykanka ayaa bilo kahor dib Soomaaliya ugu soo celiyay Ciidamadii horay looga saaray, kuwaasoo Saldhig ku leh Garoonka Balli-Doogle.

Hadalsame Media