Laacibka Sadio Mané oo qaaday tillaabo ay aad ugu farxeen dadka Muslimiintu + Sawirro

0

(Munich) 29 Agoosto 2022 – Kooxda Bayern Munich ayaa soo bandhigtay sawir sanadeedkeedii soo jireenka ahaa ee lagu naanayso Oktoberfest oo ay aalaaba qayb ka tahay in sare loo hayo bakeeri huf ah oo uu ku jiro biirka Paulaner, laakiin saxiixii xagaagan ee Sadio Mane ayaa diidey inuu ku biiro asxaabtiisa kooxda sababo la xiriira diintiisa.

Garabkii hore ee Liverpool waa Muslim ku dhaqma diinta muqadaska ah ee Islaamka, sidaa darteed waa uu ka fogaadaa cabitaanka khamriga iyo aalkolada.

In kasta oo uu u muuqdey mid xitaa ka xumaa kasoo muuqashada safkan biirka sida, haddana Mane ayaa weli booskiisa safka hore ka galay kooxda inteeda kale ee ku labisan Lederhosen, waxaana uu ammaan badan ka helay taageereyaasha baraha bulshada oo ku farxay inaan lagu cadaadin inuu gacanta ku qabto biirka si uu ugu sugnaado awaamiirta diintiisa.

“Si kasta oo ay xaaladdu tahay, Sadio Mane waligiis ma iloobo diintiisa.” ayuu soo qoray mid ka mid ah taageerayaashu.

Halkan kasii aqri kana arag sawirrada….

May be an image of 3 people and text that says 'FC ESPN FC 50 m As a devoted Muslim, Sadio Mane chose not to hold a beer in Bayern Munich's traditional photoshoot PAULANER 003 ULANER 00s PAULANER 00 0s PAULP PATILANE 00 LANER ANER 00- ULANER 00 PAULAN) 02 PAULA' PAULANER 00s "ULANER 00s PALI PAULANER 00: PAULANE® 0% LANER AUI LAN PATF NER ER'

Hadalsame Media