”Warkaasi ma ahayn inuu ka yimaado siyaasi miyir qaba!” – Soomaalida oo ka fal-celisey hadalkii RW Sweden

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Sweden ee Magdalena Andersson (s) ayaa sheegtay inaysan rabin wax ay ku sheegtay “Magaalo Soomaali” ama “Somalitown” ama meelaha kale ee takooran ee Sweden, mar ay la hadlaysey Dagens Nyheter. Halkan ka DAAWO….

Dad badan ayaa hadalka RW Magdalena niyad wanaag ku qaabiley oo ujeedka ka raacay, balse dad kale ayaa qaba in hadalkani uu dhib hor leh u horseeday Soomaalida marka la eego:

1 – Soomaalida oo aan ahayn qoowmiyadda ajnabi ahaan ugu badan uguna dhib badan Sweden, marka ugu yaraan boqolleeyda la qiimeeyo.

2 – Dadka shisheeyaha necebi oo retorik-geeda u adeegsadey ajende ay iyagu wateen oo Soomaalida iyo ajnabiga ka dhan ah.

3 – Dadka ay leedahay halla dhex dego iyagaan kun jeer ogolayn in la is dheg dego. Halkan ka aqri fal-celinta qaarkood.

RW Magdalena xaafad gaar ah ma xusin, balse sida uu qabo Aftonbladet xaafadaha maanka kusoo dhici kara waxaa ka mid ah Tjärna Ängar oo ku taalla magaalada Borlänge oo sidoo kale ku jirta waxa ay booliisku u calaameeyaan ”goobaha xasaasiga ah ama nugul” waloow ay dembiyadu yaraanayaan.

Marka xogta xaafadda laga raadiyo Wikipedia, qof baa sharraxaadii ku daray in inta badan loo yaqaan Iilla Mugadishu ama “Muqdisho yar”.

Mursal Ciise (MP) oo ka tirsan siyaasiyiinta Gobolka Dalarna oo ay hoostagto magaalada Borlänge ayaa aad u dhaliilay gebi ahaanba hadalka RW.

– Hadalka caynkaas ahi kama iman karo siyaasi miyir qaba. Waan la qabsaday inay ka timaado xisbiga Sverigedemokraterna, laakiin xaqiiqda ah inay ka timi Ra’iisul Wasaarihii waxay ila tahay inay muujinayso la’aanta hal-abuurnimo siyaasadeed, ayuu yiri, isagoo ku baaqay in laga hadlo kala qoqobnaanta bulshada iyo dhibaatooyinka kale ee aan sinji laga hadlin.

Bannaanka dukaanka cuntada ee Orienta, Maslah Omar (S), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka iyo Madadaalada ee Borlänge, ahna siyaasi laftiisu ka tirsan Xisbiga ayaa wuxuu qabaa in hadalka Magdalena Andersson loo fasiro niyad wanaag.

– Tani waxay ahayd tusaale ay soo qaadatay. Waxay ka hadashay kala soocidda, iyo in nidaamku uu bulshada ku khasbay inay u noolaadaan si kala qoqoban, ayuu yiri, isagoo soo qaatay hinside uu ku tilmaamay mid ka daran hadalka Magdalena oo ah in xisbiga M uu keenay hindise ah in dhammaanba carruurta deggan xaafadaha nugul ee ”utsatta områden” laga baaro ADHD oo xaaladda ilmaha aadka u fudud iyo Xisbiga L oo keenay hindise kaba sii daran oo ah in ilmaha 2-jirka ah laga qaado tijaabo dhanka luuqadda ah, taasoo uu Maslax ku tibxay mid keenaysa bulsho u kala qaysan ”annaga iyo iyaga.”

Fardowsa Hassan, oo 46 jir ah, ayaa aragtay hadalka Magdalena Andersson iyada oo dhex wareegaysa Tik Tok.

– Ma dhihi karo kuma raacsani hadalkeeda, laakiin sida ay u tiri ayaa laga fiican yahay,” ayay tiri iyadoo dareensan niyad jab ku aaddan in siyaasiyiintu ay u muuqdaan kuwo aragti xun ka haysta xaafadohooda ooa dhigaya sidii inaysan shaqaysan, wax baran ama dadaalin.

Hadalsame Media