“Ma doonayno Soomaali kaligeed meel deggan!” – RW Sweden oo furka xoortay

0

(Stockholm) 24 Agoosto 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Sweden ee Magdalena Andersson (s) ayaa sheegtay inaysan rabin wax ay ku sheegtay “Magaalo Soomaali” ama “Somalitown” ama meelaha kale ee takooran ee Sweden.

Sida ay qabto Andersson, arrintani ma khusayso in si khasab ah dadka lagu raro oo xaafado kale la geeyo.

Teeda kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxay sheegtay in aysan rabin “kutlado qowmiyadood” iyo in meelaha la takooro “dhibaato aad u wayn” ku tahay Sweden.

“Uma rabno Chinatowns Sweden. Ma rabno Somalitown ama Talyaani yar, waxaan rabnaa in aan ku dhex noolaanno oo kala qaadanno khibradaha kala duwan ee aan leennahay.” ayay RW u sheegtay Dagens nyheter.

Hadalsame Media