Ciidamada Ruushka oo aag istaraatiji ah ka qabsaday koonfurta dalka Ukraine (Muhiimadda ay leedahay?)

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa horumar dagaal ka sameeyey Gobolka Nikolaev ee dalka Ukraine, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim ah oo ku taal koonfurta dalkaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Moscow.

Sida laga soo xigtey Afhayeenka Wasaaradda, Lieutenant General Igor Konashenkov, Ruushka ayaa burburiyey cutubyo millateri oo Yukreeniyaan ah oo difaacaya magaalada Aleksandrovka waxaana u suurtagashay in ay gaaraan xudduudaha maamul ee Gobolka Nikolaev.

Magaaladu waxay ku taal gobolka Kherson ee Ukraine, oo inta badan Ruushku ay gacanta ku hayeen muddo bilo ahba. Waxay ku taal xeebta Dnieper-Bug estuary, oo ay maraan biyaha labada webi ee ku darsama Badda Madow.

Webiga Bug wuxuu ka yimaadaa woqooyiga, halkaas oo ay ku taallo magaalada Nikolaev, oo ah caasimadda gobolka oo ah magaalo wershadeed iyo deked muhiim ah, iyo xarun wayn oo ay leeyihiin millateriga Ukraine.

Konashenkov ayaa sidoo kale sheegay in koonfurta Ukraine ay sidoo kale Ciidamada Ruushku u gudbiyeen Gobolka Nikolaev oo ay la wareegeen dhul dhan 12 kiiloomitir oo isku wareeg ah (4.6 square miles). Wuxuu aqoonsaday goobta horumarka laga sameeyey oo u dhow tuulada Komsomolskoye.

Ciidamada Ruushka ayaa horay gacanta ugu hayey qayb yar oo koonfur bari ah oo ka tirsan Gobolka Nikolaev, kaasoo xuduud la leh Gobolka Kherson.

Hadalsame Media