”Dharbaaxo ayaa indhaha loogu shubay!” – Maxaa kala qabsaday nin Soomaali ah iyo oday Hindi ah oo gabar….

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2022 – Dalka Hindiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan dunida haddana waa dalka koowaad ee ugu furriinka yar dunida.

Haddii guurka sabab iyo shuruudo ay ka horreeyaan waxaa adag in la is furo, haddana markii laga gudbo shuruudaha waa in laga dhabeeyaa oo la ilaaliyaa sababta la isu guursaday.

Dumarka Hindiya kama fiicna haweenka kale oo dhan, laakiin waxaa jira labo sabab oo marka laga yimaado rabitaankooda nololeed ku khasbaya inay raalliyooyin noqdaan.

Midda koowaad, gabadha Hindida ah haddii la furo ama laga dhinto way adag tahay in mar kale la guursado.

Tan labaadna, ninka Hindiga ah wax kasta waxaa uga horreeya carruurtiisa iyo xaaskiisa, aad ayay ugu faanaan.

Tusaalaha ugu fudud waxaa waaye, nin Hindi ah oo qoys ah markii aad isbaraneysaan wuxuu ku leeyahay, “magaceygu waa hebal. Heerkeyga aqoonta waa sidaas. Halkaas ayaan ka shaqeeyaa ama waxaas ayaan qabtaa. Waxaan leeyahay xaas, heblaayo ayaa la yiraahdaa. Heerkeeda aqoonta iyo shaqadeeda waa sidaas. Intaas oo carruur ah ayaa ii joogta, waxbarashada halkaas ayay maraayaan.”

Sanadkii 2007 magaalada Xeyradabaad ee dalka Hindiya annagoo joogna ayaa nin saaxiibkey ah oo Soomaaliya markaas ka yimid oo wadaad ah wuxuu shanta waqti ku tukan jiray masaajid noo dhawaa. Salaadda subax iyo cishaha waxaa masaajidka joogto u yimaada nin wadaad ah oo Hindi ah, saddexda waqti oo kale waa mar uu shaqo jiro iyo mar uu ka soo socdo.

Saaxiibkey ayay isbarteen. Kaddib mar kasta oo ay is arkaan wuxuu uga sheekeeyaa xaaladda gabadhiisa oo mar dhaw jaamacad dhameysay sida in uu yiraahdo, “maanta gabadheyda meel hebal ayay shaqo u doonatay, jawaab ayay sugeysaa. Gabadheyda ayaan waxaas u soo iibiyay, gabadheyda ayaa sidaas sameysay ama tiri, gabadheyda… gabadheyda… gabadheyda…”

Ninkii saaxiibkey ahaa wuxuu is yiri “malaha ninkaan wuxuu rabaa gabadha in aad ka guursato”. Maalinkii dambe mar ay cishaha tukadeen ayuu ku yiri “dan ayaan kaa leeyahaye goormee firaaqo ii heleysaa?” Waxaa loogu jawaabay “haddaba maqaayaddaas ina fariisi.”

Aroos Hindi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Saaxiibkey markii maqaayadda la fariistay oo shaah la dalbaday ayuu ku yiri “walaalow maaddaama aad gabadhaada ila jeclaatay, waxaan diyaar u ahay in aan guursado waliba si sharaf leh lagaaga soo doono.” Hindigii intuu xanaaqay ayuu saaxiibkey dharbaaxo labada indhood uga riday, waa la kala qabtay.

Hindigii oo xanaaqsan ayaa ku yiri, “sidee ugu fikirtay in aan ku leeyahay gabadheyda ayaan kula rabaa?” Saaxiibkey oo xanaaqsan lana yaabay ninkaan ayaa ugu jawaabay, “sow maalin kasta gabadheyda… gabadheyda… iguma soo celcelisid?”

Hindigii salaaddii subax ma uusan imaan masaajidka. Cishihii ayuu yimid, markii salaadda laga baxay ayuu ka codsaday in uu casho u kaxeeyo. Saaxiibkey oo ninka ka shakiyay ayaa i soo wacay si aan u raaco. Saddexdeenna ayaa is raacnay maqaayad aad u fiican ayaan tagnay markii aan casheynay ayuu Hindigi billaabay raalli gareyn iyo cudurdaar.

Isagoo ka jawaabaya su’aashii aheyd naxaad mar kasta gabadheyda… gabadheyda… iigu soo celcelisaa wuxuu yiri, “saaxiib iga raalli ahaw in aan carruurteenna ku faanno oo aan ku faraxsanaanno waa naga dhaqan. Si farxaddaas ay noogu sii siyaaddana saaxiibbada ayaan uga sheekeynaa mar kasta. Aniga hal gabar ayaa ii joogta sababta aan iyada kaliya ugu soo celceliyana taas ayaa keentay. Haddii uu wiil ii joogi lahaa ama gabdho iyo wiilal kalena waan kaaga sheekeyn lahaa.”

Ragga Hindida ah badankood, mar kasta waxay mashquul ku yihiin u adeegidda iyo ku faanidda qoysaskooda. Taas ayaa ka mid ah waxyaabaha keenaya in uu raago guurkooda.

Ceebta in laga xishoodo

Dabeecadda aan leennahay waxaa ka mid ah, qof ayaa qalad galaya. Marka loo sheego qaladkiisa ama uu ogaado halkii intuu xishoodo uu raalligelin bixin lahaa, kana waantoobi lahaa, taas beddelkeeda wuu sii indho-caddeeyaa. Halka Hindida marki ay ceeb yar ku dhacaan oo aad ku qabato ama qaladkiisa aad ugu sheegto si maangal ah ay weligood ku ixtiraamayaan in ay kula diriraan iska daaye.

Sanadkii 2009 ayaa subax aan fasax lahaa waxaan banooni u aaday meel u dhow xaafadda aan deggenaa oo la dhaho Towlichowki oo ku taalla magaalada Xeydarabaad. Markii aan banooniga ka soo baxay ayaan is iri ‘waad daallan tahaye bajaaj iska raac’.

Kiilo mitirka wuxuu ka billaabanayay 10 rubiis  meesha aan u socdana ma dhama 500 oo mitir. Laakiin, maaddaama ay sharci tahay waa in aan bixiyaa 10ka rubiis. Marki aan bajaajlaha u imid oo aan ku iri ‘meel hebal i geey’, isla markii wuxuu shitay mitirka. Wuxuu arkay boorso in aan dhabarka ku wato. Wuxuu niyadda iska yiri ‘ninkaan wuu cusub yahaye ka faa’iideyso’. Anigana shib ayaan u dhahay.

Bajaaj

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markii uu dhaqaaqay ayuu mootadii u leexiyay dhinaca kale. Dalcad meeshaan ah oo aadda isbitaalka Appola ayuu afka aaddiyay. Anigana shib ayaan ka iri. Waan aqaan dhaqanka bajaajleyaasha iyo taksiileyaasha oo wax igu cusub ma aheyn. Siduu iila ordaayay ayuu naga riday Hitex City oo ah magaalada Technologies-ka. Xaafadda ayuu gadaal iga soo galiyay. Gurigeyga hortiisa ayuu i dhigay.

Mitirkii wuxuu soo istaagay 84 rubiis, anigana markii aan ka dagay waxaan u soo taagay 10 rubiis. Wuu qeyliyay. Hindida aad ayay isugu hiilliyaan. Xaafaddii oo dhan ayaa igu soo baxday. Nasiib-wanaag gurigaas waxaan deggenahay 3 sano oo dariska badankood way i garanayaan. Haddii aan ku cusbaan lahaa way i garaaci lahaayeen.

Oday iska key necbaa oo guriga iga soo horjeeda deggenaa oo mar kasta igu qeylin jiray, ‘maxaad mootada inta u dhigtay iyo maxaad mootada xoog ugu waddaa iyo maxaad xalay la buuqeyseen?’ i dhihi jiray anigana aan u qaboojin jiray maaddaama uu nin weyn yahay ayaa kulleetiga igu dhegay maaddaama uu fursad igu heysto.

Wuxuu igu yiri “tuugyahow ninkaan maskiinka ah oo xalaasha cunaaya miyaad rabtaa in aad dhacdo?” Kama waaline waxaan ku dhahay, “waxaad weydiisaa halkii uu iga soo qaaday”.

Isigoo kulleetiga igu dhagan ayuu darawalkii bajaajta waydiiyay halkii uu iga soo qaaday. Bajaajlihii ayaa ugu jawaabay “waxaan ka soo qaaday Dawaarada Towlichowki”. Odaygii intuu aniga i sii daayay ayuu bajaajlihii dharbaaxo la koray asigoo leh “bax waryaa qayaanooleyahow. Wax lacag lagu siinaayana ma laha”. Kadibna intuu “i cafi, iga raalli ahaw” yiri, ayuu gurigiisa galay.

Xitaa wuxuu ka xishooday in uu ku fariisto kursigii bannaanka u yaallay. Dadkii xaafadda ee igu soo xoomayna hal mar ayaan waayay meel ay ka baxeen. Bajaajlihii waxaan siiyay 50 rubiis oo qasaaro qeyb ah, waana u sheegay in uusan mar dambe dadka ku qaldamin.

Odaygi ilaa 2014 markii uu i arko mar uu shaah ii shubo iyo mar uu macmacaan i siiyo ayay aheyd. Si fiican ayaan isu barannay. Nin xun ma aheyn oo mar kasta wuxuu ka qoomameyn jiray cafisna iga waydiisan jiray wax yar oo aan 5 sano ka hor ka cafiyay.

Waxaa qoray: Cabdirisaaq Xasan Maxamed (Bisle Ruppetti), qoraaga buugaagta ‘Kaftanka Bisle’ ‘La Qosol Bisle’, ‘Dhaqan-jikaar’ iyo ‘Qoys barwaaqo’.

Wuxuu ku noolaa dalka Hindiya halkaa soo uu ku soo dhameeyay waxbarasho jaamacad intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2014.

Hadalsame Media

Facebook Comments