Imaaraadka Carabta oo markii ugu horreeysey Danjire u dirsaday dal ay is hayeen muddo 6 sano ah

0

(Abuu Dabeey) 22 Agoosto 2022 – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Axaddii shalay ahayd sheegay in danjirahooda Tehraan uu dib u bilaabayo shaqadiisa maalmo gudahood, lix sano kaddib markii hoos loo dhigay xiriirkii ay dalkaa la lahaayeen si ay u taageerayaan Sucuudiga.

Danjire Saif Mohammed al-Zaabi “wuxuu dib u bilaabi doonaa shaqadiisa Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran maalmaha soo socda si uu gacan uga gaysto horumarinta xiriirka labada dal” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka.

Talaabadan ayaa lagu doonayaa “in lagu gaaro danaha guud ee labada dal iyo guud ahaan tan gobolka”, ayay bayaanka raacisay.

Xilli siyaasadda Bariga Dhexe ay isbedbedelayso, ayuu La-taliyaha Madaxwaynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, wuxuu bartamihii bishii Luuyo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda gobolka, wuxuuna muujiyey suurtagalnimada in Safiirkoodu uu soo laabanayo.

Imaaraadka Carabta ayaa hoos u dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah sanadkii 2016-kii, iyagoo u hiillinaysa Sucuudiga, kaddib markii dibadbaxayaasha Iran ay weerar ku qaadeen Safaaradaha Boqortooyada Sucuudiga ee Iran, iyagoo ka dhiidhinayey Riyaad oo xilligaa caasimaddooda ku toogatey wadaadkii Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr (Shabeel Shabeel dhalay).

Dalal kale oo Khaliiji ah ayaa tillaabadaa oo kale qaaday, iyadoo bishan ay Iran sheegtay in Kuwayt ay Danjire soo dirsatay markii ugu horreeysey tan iyo 2016-kii, ha yeeshee, waxaa weli jira arrimo badan oo taagan sida xiriirka ay UAE la yagleeshay Israel.

Hadalsame Media