Ka fal-celinta Doorashada Kenya oo weji cusub maanta qaadanaysa (Tillaabo uu damacsan yahay Raila)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2022 – Siyaasiga dalka Kenya Raila Odinga, ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in uu maxkamada ugu sareyso u gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhowaan ay guddiga doorashada dalkaasi ku dhawaaqeen.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxwayne Xigeenkii hore ee Willian Ruto oo hadda ah Madaxwaynaha Dooran uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii Agoosto isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu Madaxawyne Uhuru Kenyatta uu ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.

Odinga ayaa markaa qaadacay ka qaybgalka doorashada cusub isaga oo sheegay inuu jirin nidaam sahlayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

BBC

Hadalsame Media