Dal si furan u diyaarsanaya gantaalo uu ku dhufan karo dalka Shiinaha & xilliga uu adeegsan karo + Sawirro

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2022 – Dowladda Japan ayaa doonaysa inay soo dhinto “farqiga dhanka gantaalaha” ee kala dhexeeya Shiinaha, sida uu qoray wargays ka soo baxa Japan Axaddan, isagoo soo xiganaya saraakiil badan oo dowladda ka tirsan.

Dowladda ayaa lagu soo waramayaa inay qorshaynayso inay ballaariso tiirada gantaalaheeda dhul-ka-bad ah ee maraakiibta lagu dilo ilaa ugu yaraan 1,000km – iyadoo u maduufikaynaysa si looga soo ridi karo maraakiibta laftooda iyo diyaaradaha si loogu weeraro bartilmaameedyada dhulka.

Gantaalka Type-12 (arag sawirrada hoose) oo ah noocii hore oo lasii wanaajiyey ayaa la filayaa inuu soo galo adeegga ciidanka sanadka 2024-ka, laba sano kahor waqtigii hore ee la qorsheeyey, sida ay Yomiuri qorayso.

Wargaysku wuxuu sheegay in Tokyo ay ugu dambayntii rabto “in ka badan 1,000” gantaalaha noocan ah la geeyo jasiiradaha Nansei.

Qorshaha gantaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay wax uu wargaysku ugu yeeray hindise “ka dhashay xaaladda kediska ah ee Taiwan”.

Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Ciidamada Is-difaaca ee Japan (SDF) iyo millateriga Maraykanka ayaa la sheegay in ay gaareen heshiis ay ku doonayaan inay saldhig weerar ah uga sameystaan ​​jasiiradaha Nansei haddii ay dhacdo “xaalad degdeg ah”, oo lacalla uu dagaal ka dhex qarxo Taiwan iyo Beijing.

Hadalsame Media