Siyaasi olog la ahaa oo odorosay waxa ka dhalan kara muddo kororsiga Axmed Madoobe

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2022 – Siyaasiga Cumar Cabdirashiid ayaa si dadban uga hor yimid muddo kororsiga Axmed Madoobe oo muddo dheer ahaa MW Maamulka Jubaland.

“Waxa uurleeyda u roon ayaa uur ku jirkana u roon. Haddii Jubbaland muddo kororsigeedu uu la wanaagsan yahay DFS, waa inay DF caadi la noqotaa muddo kororsiga Maamul-goboleedyada kale sidoo kale,” ayuu ku bilaabay.

“Ku dhaqanka sharciga laguma adkayn karo qaar, qaarka kalena looma oggolaan karo inay adeegsadaan awood si dano gaar ah loogu gaaro.” Ayuu daba dhigay.

Si kastaba, Cumar ayaa ka mid ah siyaasiyiintii ologga la ahaa ama ay isku safka ahaayeen Axmed Madoobe.

Hadalsame Media