Ruushka oo sheegay arrin keeni karta “musiibo nukliyeer” oo ay berri damacsan yihiin Ciidanka Ukraine

0

(Moscow) 18 Agoosto 2022 – Ukraine ayaa Jimcaha berri ah åqorshaynaysa inay weerar madaafiic ah ku qaaddo xarunta tamarta Nukliyeerka ee Zaporozhye ee uu Ruushka maamulo, kaddibna ay masiibadaa ku eedayso Ruushka, sida ay Wasaaradda Difaaca ee Ruushku ayaasheegtay Khamiistan.

Weerarka la saadaaliyey ayaa lagu soo beegi doonaa booqasho uu dalka Ukraine ku joogo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Antonio Guterres, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Wasaaraddan Ruushka ayaa intaa raacisay inay ogaatay dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Ukraine, taasoo muujineysa “daandaansi” soo socda.

Kiev waxa ay gaysey cutubyo u tababaran sidii ay uga jawaabi lahaayeen adeegsiga hubka wax gumaada, si ay u soo sheegaan inay jiraan fallaaro shucaac ah oo loo baahan yahay tillaabooyin lagu yareynayo, sida uu ku doodayo Afhayeenka Millateriga Ruushka ee Igor Konashenkov.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay rajaynayso in cutub ka tirsan madaafiicda goobta Ukraine ay soo weerarto wershadda maalinta Jimcaha kuwaasoo ka imananaya dhanka magaalada Nikopol.

“Eedaynta cawaaqib xumada ka dhalata shaqa weerarka ayaa waxaa loo aanayn doonaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ukraine weli iyadu kama hadlin arrintan.

Hadalsame Media