MW Erdoğan oo qaadaya tillaabo horseed ah oo lagu hakinayo dagaalka Ukraine (Ukraine oo uu tegayo maanta)

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2022 – Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa lagu wadaa in uu Ukraine booqdo Khamiistan si uu ula kulmo Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelenskyy iyo Madaxa Qaramada Midoobey ee Antonio Guterres.

3-da nin ayaa halkaa u tegaya si ay uga wadahadlaan heshiiskii dhowaan dib loogu soo celiyey dhoofinta badarka dalkaasi, xaaladda kacsan ee wershadda tamarta Nukliyeerka ah ee uu Ruushku haysto iyo dadaallo ku saabsan si ay gacan uga geystaan joojinta dagaalka holcaya muddo lix bilood ku dhow.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Md Guterres ayaa Arbacadii gaarey magaalada Lviv, oo u dhow xadka dalka Ukraine uu la wadaago Poland, halkaas oo uu kula kulmi doono Zelenskyy iyo Erdoğan.

Kulankan saddex geesoodka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Erdoğan si shakhsi ah ula yeesho Zelenskyy tan iyo markii uu Ruushku soo galay dalkaasi Febraayo 24.

Saddexda hoggaamiye ayaa shir jaraa’id si wadajir ah u qaban doona kaddib kulamadooda magaalada Lviv, oo ah marin muhiim ah oo ay qaadaan qaxootiga Ukraine ee u socda galbeedka Yurub iyo sahayda ka socota ama u socota Ukraine.

Hadalsame Media