“Waa kali-talisnimo!” – Raila Odinga oo ganafka ku dhuftay natiijada doorashada Kenya (Muxuu samayn doonaa?)

0
Former Prime Minister of Kenya Raila Odinga delivers a speech during the memorial service for former Kenyan President Mwai Kibaki at the Nyayo National Stadium in Nairobi on April 29, 2022. (Photo by TONY KARUMBA / AFP) (Photo by TONY KARUMBA/AFP via Getty Images)

(Nairobi) 16 Agoosto 2022 – Raila Odinga waxa uu ganafka ku dhuftay natiijadii doorashada ee shalay.

Go’aan “Kalitalisnimo” ayeey ku tilmaamay habraacii uu maray Wafula Chebukati, Gudoomiyaha Guddiga Madaxannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya.

Odinga waxa uu hoosta ka xarriiqay in William Ruto uusan ahayn madaxweyne dooran.

Sidan oo kale, 2007, 2013 iyo 2017 ayuu Mr. Raila gaashaanka u daruuray natiijooyinka doorashooyinkaas.

Dastuurka Kenya, qodobkiisa 138aad, farqadiisa 10aad waxa uu awoodda ku dhawaaqista natiijada doorashada siinayaa Guddoomiyaha Guddiga oo ka kooban 7da xubnood.

Xeerka doorashada Kenya isna waxa uu dhigayaa in aqlabiyad loo baahan yahay kahor inta aan lagu dhawaaqin natiijada.

Maxkamadda sare ayuu aaday 2017 taas oo meesha ka saartay natiijada, in lagu celinaya go’aamisay.

Kama qeybgalin, Fagaaraha Xorriyadda ayuu iskii isugu dhaariyey in uu yahay Madaxweynaha “Shacabka!”.

Hadda, 7 maalmood ayuu haysta in uu maxkamadda Sare ugu gudbiyo dooddiisa.

Maxaa xiga?

W; D: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media