Arrin uu ku faani Farmaajo oo uu durba fashil ku dhacay (4 Arrimood oo dhacay)

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2022 – DF Itoobiya ayaa bilowday qorshe cusub oo u muuqda mid xitaa kaba sii liita maqaamkii uu nidaamkii Tigreegu ku qaabili jirey ama ku wajihi jirey DF Somalia.

DF Itoobiya oo ku dhaqaaqday tillaabo aysan xitaa samaynin Tigreegii mudada dheer ka galaa baxayey Somalia islamarkaana kala qaybinayey. Tillaabadan ayaa ah inay gobollada Somalia u kala dirayaan wefdi ka kooban sirdoon, millateri iyo Liyu Police. Itoobiya awal si rasmi ah ciidamo maxalli ah uma soo diri jirin gudaha Somalia.

Haddaba, waxay dadku is waydiinayaan waxa ku dhacay heshiis dhowr qodob ka koobnaa iyo shirar dhowr ah oo dhexsaday MW hore ee Somalia, Md Farmaajo iyo RW Itoobiya ee Cabbeey Axmed halka ay ku dambeeyeen.

RW Abiy Ahmed ayaa ballanqaaday in aanu dib dambe u ogolayn in dalkiisu uu Somalia farageliyo, balse haatan wuxuu bilaabay faragelin kaba foolxun Amxaaradii iyo Tigreedii dalkaa xukunkiisa u kaltami jirey.

Waxaa markaa muuqata inuu fashilmay heshiiskii uu Farmaajo sheegayey, amaba inaan heshiisba jirine uu kaliya MW hore iskii uu si shakhsiyan ah heshiis ula ahaa RW Itoobiya, balse aanu jirin dan qaran oo uu Somalia usoo xasiliyey.

Waxaa inuu heshiisku mid shakhsi ahaa loo cuskan karaa waxyaabo ay ka mid yihiin:

1 – In Farmaajo uu mar kasta kaligii u safri jirey Itoobiya oo aanay jirin cid la ogayd heshiisyadii uu galay.

2 – Inuu Itoobiya u xirey layn Jaad ah isagoo la kala dhintay Kenya, taasoo ahayd tillaabo ugu ah.

3 – In Itoobiya ay durba daaqadda ka xoortay faragelin la’aantii ay ballanqaadday jeer uu weli sii qoyan yahay raadkii Farmaajo.

4 – In Maamul-goboleedyadii Farmaajo ku dhowaa ee uu isagu dhisay ay haatan u badan yihiin kuwa Itoobiya wax la wada haba ugu horreeyo MW Lafta-gareene. Galmudug & Hirshabeelle ayay sidoo kale Itoobiya kulamo la yeelatay iyadoon soo marin DF Somalia.

Ugu dambayntii, waxaa xaqiiqo noqotay in tan iyo 1978-kii aanu siyaasiga mucaaradka ihina lahayn garasho uu ku fahmo inuu kala saaro mucaaradadda dalka iyo ninka xukunka haya, kan xilka hayaana aanu fahmin in uu u turo dalka iyo dadka uu xukumayo.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media