Arrin cusub oo Soomaalida ka dhan ah oo ka bilaabatay Kampala & talo loo jeedinayo

0

(Kampala) 16 Agoosto 2022 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ee caasimadda Uganada ayaa sheegaya in askarta booliiska ah ee magaaladu ay bilaabeen qaab cusub oo ay laaluush sharci darro ah uga qaadaan Soomaalida.

SIDEE WAX U JIRAAN? Booliiska ayaa la sheegay inay qaarkood Soomaalida istaajinayaan oo waydiinayaan sharciga ay dalka ku joogaan, markaasoo ay dhacdo inay dadka qaarkood khalkhalaan iyagoo aan wax dembi ah ku jirin oo ay deeto lacago badan oo laaluush ah bixiyaan.

Dadka qaar ayaa laga qaaday ilaa 500,000 oo Shilinka Uganda ah sida aannu xogaha ku helayno, halka qaarna laga qaatay wixii markaa laga heli karey.

Dad magaalada ku dhaqan oo aannu arrintan waydiinney ayaa noo sheegay inaanu jirin amar sare ka yimid oo ku saabsan in dadka Soomaalida ah sharci gaar ah la waydiiyo ama la istaajiyo, sidaa darteed, ay dadku joojiyaan laaluushka ay bixinayaan.

Cali Cusmaan oo muddo dheer magaalada ku noolaa si wanaagsanna micneheeda ula socda ayaa Hadalsame Media u sheegay inay howshan wadaan dhowr sarkaal oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya Soomaalida oo inta badan lagu xanto inay lacagaha laaluushka ah lasoo deg degaan si ka duwan dadyowga kale.

Wuxuu soo jeediyey inay dadku qaataan sharciyada ay dalka ku joogaan, haddii ay booqasho gaaban ku joogaanna ay fiisaha ama baasaboorka soo qaataan si ay uga fursadaan in lagu baado magaalada.

Arrintan cusub ayaa u qaab eg middii booliiska Kenya iyo xaafadda Eastleigh, waloow ay sanadahan dambe aad usoo hagaageen.

Hadalsame Media