Maxay guusha madaxtinnimo ee Ruto uga dhigan tahay xiriirka mashaqaysan ee Somalia-Kenya?

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2022 – Dalka Kenya oo ay 9-kii bishan ka dhacday doorashada guud oo natiijadeeda lagu dhawaaqay shalay, wuxuu yeeshay madaxweyne dooran.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ee shanaad loo doortay William Samoei Ruto.

Ruto oo helay 50.49% codadkii la dhiibtay, wuxuuna ka adkaaday Raila Odinga oo helay 48.8%.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah labo dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan. Labada dal waxay ku wada jiraan Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Hase yeeshee, xiriirka labada dal u dhaxeeya ayaa ahaa mid wejiyo badan leh, iyada oo ay ku gadaaman yihiin arrimo salka ku haya siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Haddaba su’aasha meesha taalla ayaa ah ‘guusha uu William Ruto ka gaaray doorashada Kenya maxay uga dhigan tahay xiriirka labada dal?

Calamada Soomaaliya iyo Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Doorashada madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa ku soo beegantay xilli uu Soomaaliya hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hal-ku-dhiggiisu uu yahay ‘Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,’ gaar ahaanna waddamada deriska ah.

Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo arrimaha diblumaasiyadda ku xeeldheer, wuxuu sheegayaa inay lama-huraan tahay inuu xiriirkoodu wanaagsanaado.

“Soomaaliya iyo Kenya oo dano badan ay ka dhaxeeyaan, ururro badanna wadaaga, dan badanna ay ka dhaxeyso waxaa weeye lama-huraan inuu xiriirkoodu fiican yahay, iyada oo laga yaabo marmar in danaha dal walba uu leeyahay lagu kala duwanaado. Laakiin, inta ka dhaxeysa ayaa ballaaran,” ayuu yiri Cawad.

Soomaaliya iyo Kenya derisnimada ka sokow, waxay wadaagaan arrimo dhaqan-dhaqaale, iyada oo Soomaali badan oo Soomaaliya ka soo jeedda ay dalkaas ku nool yihiin.

William Ruto

Xigashada Sawirka, AFP

Iskaasihiga labada dal ka dhaxeeyana waxay ahayd inuu ka ballaarto sida uu hadda yahay, sida uu aamisan yahay Cawad.

“Waxay ahayd iskaashi ganacsi, diblumaasiyadeed, dhaqaale, dadka dhexdooda ah, isu socod dhib yar oo labada dalba ay u baahnaayeen inay fiisayaal isu qaataan inuu naga dhaxeeyo ayay ahayd. Marka weli waxaa bannaan fursado lagu kordhin karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya. Marka waxaan rajeynayaa labada xukuumadood oo cusub inay labaduba arrintaas ku baraarugsan yihiin,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya Willima Ruto mar uu ka hadlay ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga oo qaybta ka ah AMISOM/ATMIS wuxuu sheegay in aysan kasoo bixin halkaas tan iyo inta Soomaaliya ay nabad ka noqoneyso.

“Waxay mas’uuliyad naga saaran tahay annaga oo la shaqeyneyna dalalka kale, ka shaqeynta dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay amni noqoto. Waa mas’uuliyad-darro in aan ciidamada kala soo baxno Soomaaliya si looga hortago halista amni-darrada ah.” ayuu yiri.

Qaadka Kenya ee Soomaaliya loo dhoofiyo

Xigashada Sawirka, NATION MEDIA GROUP

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray saddexdii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeyb ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Inkasta oo markii dambe ay maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaartay, walow Kenya aysan ilaa iyo hadda aqbalin go’aanka maxkamaddaas.

Inta uu murankaas taagnaa waxaa marar kala duwan istaagay ganacsigii qaadka, duullimaadyadii isu socodka labada shacab, xirnaanshaha xudduudaha oo la sii adkeeyay iyo xiriirka diblumaasiyadeed oo ay saameyn ku yeelatay.

Inkasta oo xiriika diblumaasiyadeed dib loo soo celiyay, xudduudahana ay weli xiran yihiin, haddana dowladda Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayo waxay dib u furtay ganacsigii qaadka iyo isu-socodka labada dal oo xoogaa la fududeeyay.

Kenya waxay maalin walba Soomaaliya u dhoofin jirtay jaad loo iib geeyo magaalooyinka kala duwan ee dalkaas.

Sida uu sheegay wargeyska The Foreign Policy, 15 diyaarad oo jaad wada ayaa maalin kasta ka degi jirtay magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacsatada Kenya sanadkiiba la sheegay in ay ka soo galeysay lacag gaareysa $144 milyan.

BBC

Hadalsame Media