Isbitaallada hooyada & dhallaanka Ingiriiska oo laga bilaabay qorshe halis ah (Arrin dabiici ah oo la mari la’yahay)

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2022 – Saddex meelood meel ka mid ah isbitaallada hooyada iyo dhallaanka ee England ee ay dowladdu maamusho ayaa qaatay ereyo ay ka mid yihiin ‘dadka dhalaya’ ama ‘dadka uurka leh’, iyadoo lagu darayo amaba lagu bedelayo booskii ‘hooyada’ ama ‘haweeney uur leh’, sida laga soo xigtey Daily Mail.

Luqadda noocan oo kale ah ee jinsiga laga saaray waxa u dooda ama iidheh u sameeya ururrada loo yaqaan LGBTQ gaar ahaan kuwooda awooda iyo saamaynta leh.

Wargayskan Ingriiska kasoo baxaya ayaa ilaa 124 isbitaal oo ah kuwa NHS ee ee leh qaybaha dhalmada ee England u gudbiyey codsi ku salaysan Sharciga Xoriyada Macluumaadka ee Freedom of Information Act, waxayna ogaadeen in 42 ka mid ihi ay qaateen luuqadan.

Kaliya 29 ayaa wali si gaar ah u isticmaala ereyadii asaliga ahaa ee jinsiga dabiiciga ah ku dhisnaa ee ‘haween’ ama ‘hooyo’ marka ay ka hadlayaan uurka, halka 15 ay ka fiirsanayaan inay foomamkooda bedelaan.

Isbitaalada Epsom iyo St Helier University ayaa u sheegay Daily Mail in ay isku daraan foomamka muujinaya lab iyo dheddig iyo ereyada la jinsi tiray iyagoo tusaale ahaan qoraya sida “haweenka iyo dadka dhalay,” si ay u noqdaan wax ay ku sheegeen ”kuwo loo dhan yahay oo dadka wada metelaya intii suurtagal ah.”

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sheegi kari waayeen in xitaa hal qof oo ka mid ah bukaannada ilaa haatan u yimid uu weligiis isu aqoonsaday ama sheegtay wax aan haween ama dheddig ahayn.

Isbitaalka Haweenka ee Liverpool ayaa warqaadka isna u sheegay sheeko la mid ah taas, isagoo sheegay in kasta oo ay hirgeliyeen adeegsiga wax ay ku sheegeen “luuq si buuxda loogu dhan yahay oo taabanaysa dadka uurka leh,” aysan misna waligood diiwaangelin hal bukaan oo ah dadka jinsigooda bedela (transgender) oo isticmaalaya adeegyada umusha.

Isbitaallo kale oo England ku yaalla ayaa waxay si hal caqli caqli ah uga fogaanayaan ereyga ‘haween’ tusaale, isbitaallada Southampton ayaa marka ay uur iyo haween ka hadlayaan adeegsanaya magac u yaalka mufradka ah ee qofka labaad iyo damiirkiisa ama sifadiisa lahaansho – iyagoo isticmaalaya erayo ay ka mid yihiin ‘adiga’ iyo ‘uurkaaga’ si ay uga fogaadaan inay afka ku dhuftaan ‘haweeney’ ama ‘haween’.

Tilmaamaha rasmiga ah ee NHS (National Health Service) ma cadda. Halka website-ka adeegga caafimaadku uu isticmaalo erayada dheddigga inta badan marka ay timaado suugaanta dhalmada, isbitaallada gaarka ah ayaa soo saaray sharciyo adag oo ku saabsan goorta iyo meesha ay tahay in laga fogaado, sida ku xusan.

Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka ee NHS ayaa sidoo kale daabacday macluumaadka naasnuujinta oo naas-nuujintii ku tilmaamaya ‘xabad-nuujin’ ama ‘chestfeeding’, waxayna erayga ‘haween’ ka saartay talooyinka internet-ka ay ku bixiso ee caado joogsiga iyo kansarka ugxan-sidaha iyo ilmo-galeenka.

Aan ku celiyo mar kale e, tiiyoo la sameeyey in la beddeley qeexitaannadii dabiiciga ahaa oo la keenay kelmadahan curiska ah ee lagu tilmaamay ‘kuwo isku-dhafan oo loo dhan yahay’ misna ma jiro hal diiwaan oo muujinaya bukaan isbitaalka yimid oo kelmadahan isticmaalay, maadaama aan la bedeli karin in insaanku yahay lab iyo dheddig, dhalmaduna ay tahay wax Alle ugu tala galay haweenka.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media