“Waa inaan qashimaysannaa!” – Dal wayn oo Yurub ah oo qashin miciin bidaya si uu u daboolo booska uu ka baxay gaaska Ruushku

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2022 Shirkadda Tiknoolajiyada iyo injineeriyadda ee Maire Tecnimont SpA ee Talyaaniga ayaa u sheegtay Bloomberg maanta in dib-u-wershadaynta qashinku ay noqon karto hab lagu yareeyo ku tiirsanaanta dalkaasi ee gaaska dabiiciga ah ee Ruushka.

Sida warbixinta lagu sheegay, shirkaddu waxa ay ka shaqaynaysaa waxa loogu yeero Degmadda Wareegga Cagaaran, kaasoo ah hab dib loogu soo celinayo Kaarboonka iyo Haydarojiinka ku jira qashinka, loogana faa’iidaysto in lasoo saaro kiimikooyin iyo shidaal ku habboon degaanka.

Agaasimaha Guud ee Maire, Alessandro Bernini, ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa 16 milyan oo tan oo qashin ah oo aan dib loo wershadayn lagu daadiyo qashin-qubka dalka sanad walba.

“Waxaan u bedeli karnaa syngas si loo yareeyo ku tiirsanaanta tamarta shisheeye,” ayuu yiri Bernini.

“Iyada oo 10 geed ay awood u leeyihiib inay xalliyaan 600,000 oo tan sanadkiiba, muddo shan sano gudahood ah dhirtaasi waxay awood u yeelan kartaa inay soo saaraan 10% gaaska looga baahan yahay kuleylinta iyo korontada Talyaaniga guud ahaan.” ayuu raaciyey Bernini.

Talyaanigu, si la mid ah dalalka kale ee Midowga Yurub, waxa uu u deg degayey kaydinta gaas dabiici ah oo loo adeegsado qabowga jiilaalka, kaddib markii sahaydii gaaska LNG uu ka jartay Ruushka.

Hadalsame Media