Ingiriiska oo oo lagu helay inuu GAAS sun ah u dhoofiyo dalalka Midowga Yurub (Yaa arrintan ogaadey?)

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2022 – Shirkadaha tamarta ee Midowga Yurub ayaa ka cawday in Gaaska Dabiiciga ah (LNG) ee lagu sifeeyo UK ee loo dhoofiyo dalalka EU ay ku jirto sun halis ah, waxayna ku boorriyeen London inay saxdo xaaladda, sida uu weriyey Financial Times.

Boqortooyada Midowdey (UK) waxay sifaysaa xaddi badan oo ah gaaska la dareereeyey (LNG) oo inta badan uga yimaada Maraykanka iyo Qadar, kaddibna waxay dhoofisaa iyagoo sii marinaya dhuumaha badda hoosteeda mara ee taga Belgium iyo Netherlands.

Xilli ay wadammada Midowga Yurub ay isku dayayeen inay buuxiyaan kaydkooda gaaska maadaama ay hoos u dhacday sahayda ka imanaysa Ruushka, UK waxay noqotay il kale oo muhiim ah.

Waxayna cilladan wayni ku soo beegmaysaa iyadoo UK, oo kaliya boqolkiiba afar gaaskeeda ka hesha Ruushku, ay hollinayso inay kor u qaaddo amniga saadka ee Midowga Yurub iyagoo gaas ay sifeeyeen u dhoofinaya Midowga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, sida lagu sheegay warbixintan, dhowr shirkadood oo tamarta ka shaqeeya ayaa sheegay in bilihii ugu dambeeyey, in gaaska la geeyo ee ay sii dhoofiyaan kaydadka UK ay inta badan leeyihiin wasakhow uu ku jiro walxo kaah-fal leh (radioactive).

Shirkadaha soo sheegay natiijooyinkaan waxaa ka mid ah camaaliqada Belgian-ka ah ee Fluxys, midda Jarmalka ah ee Securing Energy for Europe (hore Gazprom Germania), iyo midda tamarta Faransiiska EDF.

Waxay si wada jir ah ugu boorriyeen shirkadda UK ee National Grid inay qaaddo tillaabo deg deg ah oo lagu saxayo dhibaatadan.

UK ayaa sidoo kale looga digey in dhuumaheeda muhiimka ah ee gaaska qaada lagu khasbi doono in gebi ahaanba la xiro haddii aysan xallinin cilladan laga helay saadka gaaska ah ee ay u dhoofinayeen Yurub, sida uu qoray Daily Express.

Hadalsame Media