“Ka fogaada cirka & baddooda!” – Shiiinaha oo keenay qaab uu ku go’doominayo Taiwain (Xeelad uu adeegsanayo?)

0

(Beijing) 03 Agoosto 2022 – Saraakiisha Difaaca Taiwan ayaa ku eedeeyey Beijing in ay doonayso in ay “duullaan” badda iyo hawada ah ku qaaddo jasiiradda, kaddib markii Shiinuhu  uu ku dhawaaqay “howlgal millateri oo xiriir ah” taasoo jawaab u ah booqashadii Afhayeenka Aqalka Hoose ee Maraykanka Nancy Pelosi ee Taipei.

Military officials claimed on Wednesday that several exclusion zones around the island, where China intends to conduct live-fire drills and other military exercises later this week, overlap with “Taiwan’s territorial space.”

Saraakiisha millateriga ayaa goor dhow sheegtay in dhowr aag oo gaar u ah jasiiradda, halkaas oo Shiinuhu uu doonayo inuu ku sameeyo dhoollatus dab-rid ah oo millateri dabayaaqada usbuucan, ay soo gelayaan “geyiga dhuleed ee Taiwan.”

Sida laga soo xigtey Guardian, afhayeen u hadlay millateriga ayaa wuxuu ku eedeeyey Beijing inay ku xadgudubtey “sharciyada Qaramada Midoobey” maadaama ay Shiinuhu si caqli caqli ah u “go’doominayaan hawada iyo badda Taiwan”, sida lagu eedeeyey.

Warka Taiwan ayaa imanaya xilli ay Maamulka Hawada iyo Duullimaadyada ee Shiinuhu ay ogeysiis u direen shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Aasiya, iyaga oo ku wargelinaya dhoollatuska millateri ee soo socda ee ay ku qabanayaan agagaarka Taiwan.

Waxaa lagula taliyey in ay ka fogaadaan lix aag oo ku teedsan jasiiradda Taiwan, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagu qabo dab-rid lagu adeegssn doono rasaas iyo madaafiic nool.

Digniinta, oo ay soo warisey Bloomberg, ayaa ku soo beegantay xilli Afhayeenka Aqalka Hoose ee Congress-ka Mareykanka ee Nancy Pelosi ay booqatay jasiiraddan Shiinaha ka tirsanayd balse iskeed isu maamusha, oo shalay iska indha tirtay diidmadii Beijing.

Hadalsame Media