Ruushka oo tilmaamay sida uu u wajihi doono Maraykanka kaddib Dagaalka Ukraine

0

(Moscow) 03 Agoosto 2022 – Isku daygii tobannaan sano socdey ee Ruushku ku doonayey in uu ku dhex galo reer Galbeedka kaliya ma dhammaanin, laakiin xitaa wada shaqayn ay la yeeshaan hadda waa ka baxday meesha, sida uu ka digayo istaraatiijiiste sare oo ku sugan Moscow

Aleksey Drobinin, oo ah madaxa Waaxda Qorshaynta Siyaasadda Dibedda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, ayaa aaminsan in la macaamil mustaqbalka ihi uu ku dhici karo oo keliya “wax uun ku salaysan macaamil ganacsi”.

Drobinin, ayaa maqaal uu qoray ku sharraxay in reer Galbeedku ay isku dayayaan in ay awoodooda ka ilaaliyaan adduunyo badan oo soo baxaysa, taas oo micnaheedu yahay in wadammada sida Ruushka ee diiddan waxay ay Washington ugu yeerto “duni ku salaysan qawaaniinta Galbeedku” ay iska caabiyaan.

Sidaas darteed, xitaa kaddib dagaalka hadda ka taagan Ukraine, ma soo laaban karo isku day isku soo dhawaansho Ruushku la yeesho Mareykanka iyo xulafadiisa, ayuu ku dooday.

Weerarkii Ruushka ee ka dhanka ahaa Ukraine waxa uu noqday “tillaabo muhiim ah oo loo qaaday waddadii loo mari lahaa nidaam cusub oo caalami ah,” ayuu Drobinin raaciyey.

Ninkani wuxuu madax ka yahay waaxda u xilsaaran cilmi-baarista aqoonta iyo qorshaynta istaraatiijiyadeed oo uga wakiil yahay wasaaradda.

“Wax kasta oo ay noqdaan muddada iyo natiijada howlgalka gaarka ah ee millateri ee Ukraine, waxaan garowsan karnaa in muddo 30 sano ah oo aannu iskaashi wax dhisaya, balse dhib badan kala kulannay reer Galbeedka inuusan dib abid usoo noqon doonin.” ayuu yiri.

Hadalsame Media