Fal-celin wax iftiiminaysa oo caalami ah oo ka timid magacaabista Roobow

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2022 – Waxaa shalay la magacaabay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda cusub ee RW Xamse Cabdi Barre.

Xukuumaddan ayaa u badan dad ay siyaasad ahaan isku dhow yihiin MW Xasan Sheekh islamarkaana ay is diiddan yihiin xayndaabyada kale ee siyaasiga ah, balse waxa ay falanqeeyayaashu farta ku fiiqeen dhanka tayada waxqabad, khibradda, ku fillaasha howleed, wax ku oolnimada iyo kartida maamul ee dadka la magacaabay.

Yeelkeede, hal nin ayaa soo jiitey dareenka ummadda waana Mukhtaar Roobow oo inta xabsi uu ku jirey laga soo saaray laga dhigay wasiir, taasoo ay aad u dhaliileen dad badan oo Soomaaliyeed oo ay qaarkood ku tilmaameen “aflagaaddo qaran.”

Mukhtaar oo Al Shabaab ka tirsanaa ayaan si buuxda xitaa u naqdin falalkii gurracnaa ee uu kula kacay shacbiga Soomaaliyeed, raalligelin iyo cafis rasmi ahna weli lagama hayo.

Warbaahinta caalamka ayaa haddaba cinwaanno ka qoray magacaabista Roobow oo xabsi lagu ogaa shalay kahor.

Waxay cinwaannada u qoreen qaab muujinaya inay Roobow weli u arkayaan nin ka tirsan Al Shabaab oo ay qaarkood ku tilmaameen inuu wax ka asaasay.

Hadalsame Media