XOG: Wasaarad aad loogu baahnaa oo lasoo kordhiyey (Wasaarad la baabi’yey & qaar la isku biiriyey)

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2022 – Waxaa lagu wadaa in maanta lagu dhawaaqo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda cusub ee RW Xamse Cabdi Barre oo isaga la magacaabay 15-kii Juun.

Wasiirrada loo sii sheegay inay magacaaban yihiin ee xalay la sii wargeliyey ayaa saaka looga yeeray teendho la sheegay in laga dhex dhisa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay goobjoog uga noqdaan ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Tirada golaha Wasiirrada ee la magacaabayo ayaa lagu sheegay inay dhan tahay 25 Wasiir, halka Xukuumaddii hore ee Xil-gaarsiintu ka ahayd 26 Wasiir.

Wasaarado ayaa qaar la baabi’iyey, qaar la isku biiriyey, halka qaar cusub haatan uun la bayaaniyey, sida ay xogtu sheegayso.

Tusaale, waxaa gebi ahaanba la baabi’iyey Wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka, halka Wasaaradda Dastuurka oo horay gooni ugu taagnayd iminla lagu daray Wasaaradda Cadaaladda.

Waxaa dhanka kale Golaha Wasiirrada lagu soo kordhiyey Wasaarad cusub oo ah Wasaaradda Bay’adda iyo Is bedelka Cimilada, taasoo xilligan aad loogu baahan yahay, waase haddii ay waxqabad la timaado.

Hadalsame Media