”Wuxuu taagnaa balkoonaha!” – Warbixin dheer oo ku saabsan sida loo khaarajiyey hoggaankii Al Qaacida

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2022 – Howlgal qayb ka ah la dagaallanka argaixisada oo ay fuliyeen CIA-da Mareykanka ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ururka Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Dilkan oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul ayaa la fuliyay xilli ay Sabtida sii baxaysay Axaddana soo galaysay.

Al-Zawahiri oo muddo dheer lagu raad joogay ayaa horay u ahaan jiray ku xigeenka aasaasihii Al-Qaacida, Cusaama Bin Laadin, isagoo xilka kala wareegay markii la dilay 2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii.

Siduu u dhacay dilka Al-Zawahiri?

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Zawahiri uu taagnaa balakoonka ku yaalla guri amaan ah oo uu ku noolaa.

Si lama filaan ah ayay diyaarad nooca uusan duuliyaha saarnayn ah – oo loo yaqaanno drone – ugu tuurtay labo gantaal.

Wararka ayaa sheegaya gantaalka uu si toos ah ugu dhacay Zawahiri oo halkiisa taagan.

Goobta waxaa ku sugnaa xubno kale oo ka tirsan qoyska Ayman Al-Zawahiri, balse qof kale waxba kuma noqon weerarka, hoggaamiyaha Al-Qaacida kaligiis ayaana ku dhintay halkaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Amar uu bixiyay Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in duqayn dhanka cirka ah oo ay Mareykanku fuliyeen lagu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri.

Waxa uu sheegay in uu isagu fasaxay howlgalka oo Sabtidii ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

Biden ayaa sheegay in Ayman al-Zawahiri uu si qota dheer ugu lug lahaa weerarradii Mareykanka laga fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii, kuwaasoo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareyknaka ayaa intaas ku daray in dilka al-Zawahiri uu war fiican u yahay qoysaska dadkii lagu dilay weerarrada.

Biden oo sanadkii hore ciidamada Mareykanka kasoo saaray Afghanistan ayaa ku adkaystay in waddankaas uusan waligiis mar dambe goob ammaan ah u noqon doonin kooxaha argagixisada.

Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka kale, afhayeenka kooxda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in Mareykanku uu duqayn diyaaradaha drones-ka loo adeegsaday ka fuliyay xaafadda Sherpur ee magaalada Kabul, oo ay meel shacabku daggan yihiin.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayuu Zabihullah ku sheegay in markii hore aan la ogayn nooca weerarka iyo ujeeddadiisa, kaddib markii ay ciidanka ammaanka iyo sirdoonka baaritaan sameeyeenna la ogaaday in weerarku uu ahaa duqayn ay fulisay diyaarad uusan duuliye la socn.

Afhayeenka Taliban waxa uu cambaareeyay duqeyntaasi, waxa uuna ku tilmaamay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiiskii Dooxa.

Mareykanka qudhiisa ayaa sheegay in Taliban ay khalad wayn ku gashay inay hoggaamiyaha Al-Qaacida ku martigeliso magaalada Kabul, taasoo ka dhan ah heshiiskii ay labada dhinac galeen.

Maskaxdii ka dambaysay fikirka Al-Qaacida

Falanqayn: Gordon Corera, Weriyaha Arrimaha Amniga

Ayman al-Zawahiri waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka keenay fikraddii lagu aasaasay shabakadda Al-Qaacida.

Waxa uu ahaa dhaqtar u dhashay waddanka Masar, markii dambena waxa uu ka mid noqday xubnaha sar sare ee kooxda Al-Qaacida, oo gacan-saar la leh ururro badan oo Islaamiyiin ah.

Xabsi ayaa la dhigay 1980-meeyadii kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa koox mintidiin Islaamiyiin ah.

Waddankiisa wuu ka tagay markii laga sii daayay xabsiga, waxa uuna durbadiiba ku biiray kooxaha xagjiriinta Jihaad-doonka ah ee caalamiga ah.

Ugu dambayntii waxa uu saldhig ka dhigtay Afghanistan, waxa uuna ku biiray ciidan uu aasaasay taajirkii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jiray Cusaama Bin Laadin, kaasoo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Al-Qaacida.

Zawahiri iyo Bin Laadin

Xigashada Sawirka, Reuters

Iyagoo wadajir ah ayay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Mareykanka, waxayna abaabuleen weerarradii la fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii.

Toban sano ayay qaadatay in lagu guulaysto dabagalkii lagu sameeyay Cusaama Bin Laadin oo ugu dambayn ay Mareykanku dileen 2011-kii.

Xilligaas wixii ka dambeeyay Al-Zawahiri ayaa hoggaanka u hayay Al-Qaacida, balse dhif ayay ahayd in uu muuqaal kasoo muuqdo ama sawirradiisa la helo. Marar kooban ayuu soo diri jiray farriimo ku socda arrimo khaas ah.

Mareyanka ayaa dhimashadiisa u arka guul wayn oo usoo hoyatay, maadaama ay ciidamadooda Afghanistan kala soo baxeen saadkii lasoo dhaafay.

Shaki kuma jiro in uu soo bixi doono hoggaamiye cusub oo ay yeelato Al-Qaacida, balse waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid ka saamayn yar ninka uu baddalay.

BBC

Hadalsame Media