SAWIRRO: Jidad qurux badan ayaa Garoowe laga dhisay (Dhaliil ku saabsan arrin ay tahay in la dhugto)

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2022 – Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dhisay jidad uu maalgeliyey Bankiga Horumarinta Afrika, balse waxaa sidoo kale jira dhaliilo ku saabsan in diiradda la saaro dhismaha kaabayaal ka daruurisan xitaa jidadka sida isbitaallada iwm.

Qof ayaa qoray qoraalkan soo socda oo ku bilaabmaya: Ilaahay amarkiis Garoowe waxaa wax kasta oo asaasiga nolosheena ahaa uga fudud Wado yar oo xaaafadaha dhex mara oo dhalinyaradu muuqaalada ku duubto in la dhiso, oo wuxuu soo kordhinayo aan la arag, lacag badanna ay ku baxday, kaaga darane cagaarin ama dhir maleh, waa wado qalalan.

Hadde ogoow Puntlantu maleh isbitaal/dakhtar caaqibo leh, kalyuhu haday ku fariistaan maleh qalab lagu nadiifiyo marka qadarta laga yimaado waxyar oo la heli karey ayaad tartiib u dhimanaysaa, qof marku kaa xanuusado walwal joogi maysid markiiba Xamar iyo Hargeysa ayaad Ticket u jaraneysaa adigoo is leh ma gaari doontaa.

Waxaan nahay Duul dhan oo horumarka looga dhigey wadooyin badan oo tiro beel ah meelo maaalaayacni ahna mara oo daruuri ahayn, isbitaalkaa ka mudnaa wadooyin badan.

Wadadii isbitaalka wayn tagtana waa burbursan tahay oo lama mari karo, kuwii Tik Tok lagu duubayayna maalin walbaa la dhisaa khayr insha Allaah.

W; Q: Yasra Yaasiin (Geenyada Madow)

Hadalsame Media