Siyaasi reer Galbeed ah oo ka digey waxa ka dhalan kara haddii Ruushka lagu khasbo inuu Shiinaha olog la noqdo

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2022 – Go’doominta Ruushka iyo joojinta iskaashiga dhaqaale ee Moscow waxay khatar ku tahay Jarmanka, sida uu qabo Ra’iisul Wasaaraha Maamulka Saxony, Michael Kretschmer, oo sidaa u sheegay wargayska Die Zeit toddobaadkan, isagoo ku celceliyey baaqiisa ku aaddan in xal diblomaasiyadeed laga gaaro colaadda Ukraine.

“Waxaan u malaynayaa in fikradda ah in si joogto ah loo go’doomiyo Ruushka ama aan dib dambe loola yeelan iskaashi dhaqaale ay tahay wax aan macquul ahayn oo khatar ah,” ayuu yiri.

“Ruushka u janjeersada dhanka Shiinaha oo aan xiriirna la lahayn Yurub nooga khatar badan midka haatan ee Yurub ku xiran,” ayuu yiri Kretschmer oo la hadlay warbaahinta.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay saamaynta cunaqabateynta saaran Ruushku ay ku yeelan karto dhaqaalaha Jarmanka iyo ammaankiisa tamarta.

Waxa uu ku baaqay “in xal waaqici ah loo doono” xiriirka Moscow iyo Midowga Yurub si loo fududeeyo wadahadallada nabada iyo “dejinta” colaadda Ukraine, isaga oo intaa ku daray in xabbad-joojintu aysan kaliya joojin doonin dhimashada, laakiin ay “abuurayso fursad sahayda ceeriin ah” gaar ahaan shidaalka iyo raashinka.

Qiyaastii kala bar qoysaska Jarmalku waxay ku tiirsan yihiin gaaska Ruushka dhanka korontada iyo kululaynta guryaha, iyadoo qiyaastii saddex meelood meel tamarta wershadaha Jarmanku ay ka timaado gaaska.

Kahor iskahorimaadka Ukraine, ilaa kala bar gaaskaas waxaa keenayey Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, xaddiga gaaska Ruushka ayaa hoos aad ugu dhacday toddobaadyadii la soo dhaafay sababo farsamo ama mid siyaasadeed awgood.

Khubaro badan oo Galbeed ah ayaa horay uga digey in Ruushka loo riixo dhinaha bariga taasoo xisaab hor leh ku furaysa gacan sarraynta istaraatijiga ah, dhaqaale ama ciidan ee Galbeedka haddii ay isku biiraan Ruushka iyo Shiinuhu.

Hadalsame Media