Dunida oo aad u hadalhaysa sida uu MW Erdogan uga aarsaday dhiggiisa Putin (Daawo)

0

(Tehraan) 23 Luulyo 2022 – Muuqaal laga duubay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladamir Putin oo ay khasab ku noqonayso dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilli ay wadahadal u joogeen Tehraan ayaa si wayn ugu faafay baraha bulshada.

Wax u muuqday shidasho ku talagal ah, ayuu hoggaamiyaha Ruushku waxaa uu sugayaa ilaa konton ilbiriqsi iyadoo kaamirooyinka warbaahintu ay duubayeen isaga oo hor taagan calamada Ruushka iyo Turkiga.

Erdogaan ayaa deeto markaas kula soo biiraya oo soo istaaga warbaahinta horteeda isagoo gacan qaadaya Putin oo jactadsan.

Putin waxa uu u muuqdey mid aan ku raaxaysanayn xaaladda isagoo afka u dhaqdhaqaajinayey si aan caadi ahayn, taasoo keentay in xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad la isla dhex maro.

Waxaa horay u jirey sheegashooyin aan la xaqiijin oo ku saabsanaa in hoggaamiyaha Ruushka oo haatan 69 jir ihi uu la ildaran yahay cudurka kansarka nooca raagey ama cudurka lalleemada ee Parkinson.

Joyce Karam, oo ah weriye ka tirsan Shabakadda Wararka ee Imaaraadka The National ayaa dhacdadan ku tilmaantay “aarsi macaan” kaddib markii 2020-kii Erdogan iyo wefdigiisa lagu khasbay inay 2 daqiiqo hoolka ku sugaan isla Putin oo ay kula kulmayeen Moscow.

Hadalsame Media