DAAWO: Kenya oo qirtay inay jiraan rag doonaya in suuqa Jaadka loo xiro (Maxaa la gudboon MW Somalia?)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2022 – Jimcihii hore ayaa la dhameeyey in dib loo furo Jaadka Kenya ee la gayn jirey Somalia kaddib markii ay labada dal galeen heshiis ka kooban 13 qodob, balse weli waxba lama keenin.

Kenya ayaa sheegtay inay maanta oo Jimce ah bilaabayso bixinta shatiyada dhoofinta Miiroowga sida uu dhigayo xeerka cusub iyadoo Kenya ay ku sii dhowaanayso in ay dib u soo gasho suuqa Soomaaliya muddo saddex sano ah kaddib.

Waxaa shalay soo baxay inay jiraan siyaasiyiin & ganacsato doonaya inay hal-gacmeeyaan ganacsiga Jaadka. Waxaa farta lagu godey siyaasiyiin iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin Wasiirka Ammaanka Xil-gaarsiinta ee C/laahi Max’ed Nuur, nin lagu sheegay Cadnaan iyo Xildhibaan Max’ed Cajiib, kuwaasoo la sheegay inay lacag dheeri ah saartaan Jaadka.

Waxaa arrinta xaqiijiyey Guddoonka Jamciyadda Jaadlayda Nyambene Miraa, Kimathi Munjuri, kaasoo waraysi uu bixiyey ku sheegay inay Nairobi tageen rag uu sheegay inay Somalia ka yimaadeen oo ku doodaya inay kaligood xaq u leeyihiin soo dejinta Jaadka.

Arrintan ayuu ku sheegay inay tahay hal-gacmayn aan loo baahnayn oo cadaalad darro ah maadaama uu ganacsigani ahaa mid qof kasta u furnaa, balse ay hadda dhowr qofi doonayaan inay xirtaan.

Arrintan ayaa marka laga soo tago inay tahay hannaan khaldan misna waxay cirka ku shareeri doontaa qiimaha Jaadka, taasoo cayrtayn doonta qoysas badan oo ay ku xiriiraan dad muqayiliin ah oo aan mas’uul ahayn.

Dhaqankan ayaa ahaa mid uu bilaabay MW hore ee Farmaajo oo kaddib markii uu hakiyey Jaadka Itoobiya ee Miiroowga, fasaxay Hareeriga Itoobiya oo uu u xirey dhowr qofood, taasoo ahayd mid ka mid ah waxyaabihii uu ku sumcad beelay ayna waajib tahay inaan qof kale laga aqbalin oo uu ka digtoonaado MW Xasan Sheekh.

Hadalsame Media