”Waxay haysteen tikniko gabow ah oo lagu kicin jirey dubbe & duco!” – Reer Galbeedka oo Ukraine ku xamanaya inay ku dhibban yihiin qalabka casriga ah

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2022 – Nidaamka hubka ee kala duwan ee ay reer Galbeedku siiyaan Ukraine ayaa u muuqda “caqabad halis ah” oo ay wajahayso Kiev, sida lagu qoray Wall Street Journal, isagoo ula jeeda taangiyada Maraykanka iyo UK, waloow ay ku adkaysanayaan in hubku uu yahay “mid wax ku ool ah” dhanka dagaalka Ruushka.

Bilowgii iskahorimaadka, Maraykanka iyo xulafadiisu waxay u direen Ukraine gantaalaha lidka diyaaradaha ee Stinger ee la qaadi karo iyo gantaalaha lidka taangiyada ee Javelin, laakiin si dhaqso ah ayay uga dhammaadeen kaydkooda

Bishii Abriil, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay keenistii ugu horreeysey ee madaafiicda culus ee la jiido – M777 – kuwaasoo ay ku xigeen HIMARS oo nidaamyada gantaalladha badan tuura oo la siiyey bishii Juun.

Kiev ilaa hadda waxa ay heshay qoryaha M777 ee Maraykanka, Australia iyo Canada, laakiin sidoo kale tiro ka mid ah hababka iskood u shaqeeya sida US M109, nooca Jarmanka ee Panzerhaubitze (PzH) 2000, Caesar-ka France iyo Krab-ka Poland, iyo kuwo kale. 

Ha yeeshee, waloow aragti ahaan ay dhamaantood wadaagaan maraare 155 ah, arrintu ficliyan uma sahlana sida la moodayo.

“Midkoodna nidaamyadan waxba ma wadaagaan,” ayuu yiri Jack Watling oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee fadhigiisu yahay London oo la hadlay wargayska. ” Rasaastu waa inay noqotaa mid la isku bedeli karo sida la fili karo, iwm. Laakiin xaalku sidaa maahan.”

“Wajahaadda hadda ee waddan kastaa uu ku deeqayo hub gaar ah ayaa si degdeg ah isugu bedelayo calwasaad dhanka saadka ah oo haysta Ciidamada Ukraine iyada oo batari kastaa u baahan yahay tababar gaar ah, dayactir iyo wadiiqo saad.” ayuu ku dooday Jack Watling.

Nidaamyada madaafiicda kala duwani waxay leeyihiin tiirooyin kala duwan, baalasha kicinta, hababka loo cabbeeyo, agabka kabka iyo shuruudaha dayactirka, iyo waxyaabo kale.

Mid ka mid ah tusaalaha la soo qaatay wuxuu ahaa qoriga madfaca culus ee PzH 2000, kaas oo leh “shuruudo gaar ah oo loogu talagalay dhanka cabbaynta” islamarkaana qaata 40 maalmood oo tababar ah si loo fahmo sida ay u shaqeeyaan hal derin oo noocan ah iwm.

Scott Boston, oo ah falanqeeye sare oo dhanka difaaca ah oo ka tirsan Shirkadda RAND ee uu fadhigeedu yahay Maraykanka, ayaa tilmaamay caqabadaha kale ee ka jira la tacaalidda nidaamyada reer Galbeedka.

“Waxyaabo badan oo hubka Ukraine ihi waa mid dhaxal ah – baabuur 40-sano jir ah oo aad ku hagaajinayso dubbe iyo kiyaawe Ingiriis, xoogaa garaaso ah iyo duco. Haddii aad ka fikirto sida makaaniggu u hagaajiyo baabuurta casriga ah ee badhammada badan – oo leh kombuyuutar gacanta lagu hayo oo aad ku xirayso dareemayaal ku rakiban gudaha baabuurka si aad u aqrido – way ka duwanaan doontaa wixii aad taqaanney.” ayuu u sheegay isla wargayska WSJ, isaga oo intaa ku daray in aanay Ukraine haysan kab dheeri ah marka laga reebo waxa reer Galbeedka dhankooda ka yimaadda ay arrimaha sii adkaynayso.

PzH 2000

Hadalsame Media