Wargays af dheer oo Maraykan ah oo qoray tillaabo uu qaaday RW Xamse oo jawaab u ah weerarka Al Shabaab ee Aato & Yeed (Itoobiya oo hal arrin diiddey)

0

(Muqdisho) 21 Luulyo 2022 – Xoogag taabacsan Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday afar magaalo oo ku dhow “soohdinta” ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, waana weerarkii ugu waynaa ee ay Xarrakada Shabaabku qaaddo tan iyo markii ay Soomaaliya yeelatay madaxweyne cusub bishii Maajo, sida ku qoran Bloomberg.

Degaanno ay ka mid yihiin Caato, Washaaqo iyo Yeed ayaa lagu bartilmaameedsaday weerarrada kooxda al-Shabaab, sida ay sheegeen dad diidey in magacooda la shaaciyo sababtoo ah looma ogola inay la hadlaan warbaahinta.

Tobaneeyo ka tirsan ciidamada Itoobiya hoos taga ee loo yaqaan Liyu ayaa lagu diley weerarka, sida ay sheegeen laba ka mid ah dadkaasi. Ilaa hadda ma cadda in dagaalyahannada Al-Shabaab iyana qaar diley.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa amar ku siiyey ciidamada ammaanka dalka Somalia inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda “xuduudka”, inkastoo aysan sheegin tirada dhimashada ee weerarka, sida uu qorayo Bloomberg.

Barre ayaa Arbacadii la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidammada Midowga Afrika ee dagaalka kula jira al-Shabaabka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu gacan ka gaysan doono sidii loo qaadi lahaa weerarro cusub oo ka dhan ah maleeshiyadan si loo gaarsiiyo dadka u baahan gargaarka bini’aadaminnimo.

Gobolka Geeska waxaa soo food saartay abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah.

Ethiopian military spokesman Colonel Getnet Adane didn’t respond to questions about the attack.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Itoobiya, Colonel Getnet Adane, ayaan ka jawaabin su’aalaha ku saabsan weerarka ee ay u bandhigtay Bloomberg.

Hadalsame Media