“Waa la i xirey maanta balse intaa kuma hakan doono!” – Ilhaan Cumar oo sharraxday sababta loo xirey

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2022 – Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ee Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in maanta xabsiga la dhigay.

“Maanta waxaa la igu xiray fal diidmo madano ah oo ka dhacay Maxkamadda Sare si aan uga mudaaharaado Roe v Wade in la rafaco iyo xadgudubka lagu hayo xuquuqda taranka ee dalka oo dhan,” ayay soo qortay goor dhowayd.

“Waxaan samayn doonaa wax kasta oo ay igu qaadato, oo ay ku jirto inaan jirkayga miiska saaro, si aan u ilaaliyo xuquuqdeena aasaasiga ah.” Ayay raacisay.

Tafaasiil kama bixin in dacwad lagu soo oogey iyo in kale.

Ilhaan Cumar ayaa beryahan waddey olole ay ugu doodayso haweenka ilmaha uur ku jirka ah iska soo tuura.

credit Photo:@abc

Hadalsame Media