Dowladda Kenya oo Jaadleeydii ay Jimcihii ka farxisay misna ka nixisay (Caqabad hor leh oo taagan)

0

(Nairobi) 19 Luulyo 2022 – Dhoofiyeyaasha Miroowga Kenya ayaa waxaa laga yaabaa inay sugaan waqti ka badan kii ay filayeen kahor inta aysan Jaad u soo rarin Muqdisho sababo la xiriira shuruudaha cusub ee Xeerarka Dalagga (Miraa) ee 2022.

Ganacsatada iyo beeralayda Jaadka ayaa si farxad leh u soo dhoweeyay dib u furista suuqa Soomaaliya, balse waxa ay ugu baaqeen Dowladda in ay si degdeg ah u bixiso shatiyada dhoofinta, sida uu qabo xeerka cusubi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa fiidnimadii Jimcaha dib u soo nooleeyey xiriirkii labada dal kaddib markii uu Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud la kulmay dhiggiisa Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duullimaadyadii labada dal si degdeg ah loo billaabo.

Si kastaba ha ahaatee, markii ugu horreeysey, ganacsatada Miiroowga ayaa looga baahan doonaa inay u hoggaansamaan shuruucda Miiroowga ee Xafiiska Kenya ee Habdhaqanka ama Bureau and Standards Code of Practice.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga ee Nyambene Miraa (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa sheegay in iyaga oo dhamaantood u diyaar ah ganacsi, misna Hay’adda Beeraha iyo Cunnada (AFA) aysan weli ruqsad siin ilaa 500 oo dhoofiye.

Marka la eego Xeerarka Dalagyada (Miraa) (oo wax laga bedeley) 2022, dhoofiyayaashu waa inay diiwaan gashan yihiin oo ay shati siisaa AFA. Dhoofiyeyaasha ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay ogolaanshaha dhoofinta helaan shixnad kasta marka ay dirayaan.

Qof kasta oo dhoofiya Miiraha bilaa diiwaan-gelin iyo shati la’aan waxa uu mutaysanayaa xukun ilaa saddex sano ah ama ganaax dhan 5 milyan oo Shilinka Kenya ah.

Hadalsame Media