Ma dhici kartaa in galalka ciidamada Eritrea loo qaaday Maraykanka laga qariyo (Bal ka bogo warbixintan)

0

(Hadalsame) 18 Luulyo 2022 – Sidee dadka loogu hayaa humaagii la abuuray? Waxaa loo allifaa xog aan lahayn ilo laga soo xigto.

Sirta ciidankii Eretariya lagu tababaray waxaa isla ogaa Qatar, Eletariya iyo Farmaajo, dawladda Maraykankuna may ogayn waa xog qofka caadiga ahi markiiba la boodayo isaga oo aan su’aalo isweydiin, meel Qatar ku jirtana aaminsan in Maraykanku ka maqan yahay.

Ciidanka Eretariya lagu tababaray qofkasta oo Soomaaliya wuu ogaa, sir qarsoon may ahayn, laakiin nidaamkii jiray ayaa qoysaskii iyo caruurtoodii kala jaray, oo waxaan sir ahayn sir ka dhigayey.

Sirdoonkii Soomaaliya ee xilligii Farmaajo ilaa hadda wuxuu ku guul daraystay gabadh iyaga ka tirsanayd inta lagala baxay dhexdooda aanay ilaa iyo hadda meel ay jaan iyo cidhib dhigtay ka jawaabi karin.

Sadex dal ayaa waxaa la yidhi isugu faanay anaa kaa sirdoon khatarsan iyo anaa kaa sirdoon khatarsan, Bakayle ayaa magaalo lagu sii daayey, sirdoonka laba dal waxay saacaddo yar ku soo qabteen Bakaylihii.

Dalkii sadexaad Sadex maalmood ka dib ayey Dameer ay garaacayaan la shir yimaadeen, iyaga oo leh qiro in aad tahay Bakayle.

Sirdoonkii Farmaajo wax walba way ku fashilmeen, laakiin waxay ku guuleysteen in ay dadka qaarkood ka dhaadhiciyeen in ay sirdoonada Afrika wax baraan.

W; Q: Asad Caddaani Ibraahim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku xusan

Hadalsame Media