WAR CUSUB: Maraykanka oo ku ceeboobey xogta ciidamada Soomaalida ah ee Eritrea lagu tababaray (Ergay la eryey)

0

(Hadalsame) 18 Luulyo 2022 – Sida ay sheegayaan warar hoosaadyada soo baxay oolahelayo Wasaaradda Arrimaha dibada ee Mareykanka,ayaa shaqadii ka eriday Mr, Steven Walker oo ahaa ergaygii u qaabilsanaa Malafka/Galka arrimaha Eritrea.

Ninkan ayaa lagu haystaa inuu macluumaad ka keeni waayey 5,000 Askari oo kamid ah Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Si qarsoodi ah u tababartay Dowladda Eritrea sanooyinkii lasoo dhaafay.

Walker, ayaa lamagacaabay December-2019, xiligas oo uu bilow ahaa xariirka Soomaaliya iyo Eritrea, khibradda lagu doortay ayaana ahayd in uu macluumaad kakeeni karay Isbaheysiga sadex-geesoodka ah.

US ayaa heli weyday xogta ciidankan, waxayna ay kubaraarugtay ciidamadan oo latababaray, waxayna talaabadaas galaafatay in shaqadiisa Eritrea lag bedelo Walker iyo kooxdiisii shaqada.

Farmaajo & Kooxdisii kawada shaqeynaysay siyaasadda iyo Howlaha ciidanka ayaa kuguuleystay in ay qarsoodi kadhigaan, maadaama aysan Reer Galbeedku raali ka aheyn tababar in laga qaato Eritrea, oo ay iyagu is hayaan.

Horay waxaa usoo baxayey warar sheegayey in reer Galbeedku aysan raalli ka ahayn qorshaha ciidankan lagu diyaariyey.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media