Gobolladii taageeray Donald Trump oo jeclaan lahaa inay ka go’aan Maraykanka (Kalsoonida DF oo maraysa meeshii ugu hooseeysey)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 20220 – Dad badan oo deggan gobollada uu Jamhuurigu xukumo ee u codeeyey Donald Trump doorashadii sanadkii 2020-kii ayaa aaminsan inay “ku fiicnaan lahaayeen” haddii gobolladoodu ay ka go’aan Maraykanka, sida ku cad ra’yi ururin cusub oo arrintan daaha ka qaadday.

Ku dhowaad ​​33% codbixiyayaasha Trump ee ku nool waxa loogu yeero ”gobollada cas” ayaa sheegaya in shakhsi ahaan ay ku fiicnaan lahaayeen hadii gobolkoodu uu noqdo waddan madax banaan, sida lagu sheegay ra’yi ururin ay samaysay Yahoo/YouGov oo la sii daayey.

Taas waxaa ka horjeeda 29% oo aaminsan inay sida haatan “kasii xumaan doonaan” goosashada kaddib. 38% soo haray ayaa ama hubin ama waxayba u arkaan inaysan “farqi keeni doonin.”

Qiyaastii 92% codbixiyayaasha gobolka cas ee Trump waxay ku kalsoon yihiin in Maamul-goboleedkooda in ka badan Dowladda Federaalka marka ay timaado in la sameeyo “wixii iyaga u wanaagsan,” sida isla ra’yi ururintan lagu ogaadey.

Siddeed ka mid ah tobankii qof ee deggan gobollada buluugga ah ee iyana u codeeyey Madaxwayne Joe Biden sanadkii 2020 ayaa ku kalsoon Maamul-goboleedkooda in ka badan dowladda dhexe ee Washington.

Kaliya 15% ayaa guud ahaan aaminsan in Maraykanku “uu ku socdo jihada saxda ah”, marka la barbar dhigo 72% oo sheegay “inuu qaaday jid khaldan,” sida ay ra’yi ururintu muujisay.

Waxaa ka daran in kaliya 27% ay aaminsan yihiin in Biden uu u taag hayo “la xaalidda caqabadaha hortaagan Maraykanka,” marka loo eego 56% oo sheegay inuusan tabartaa lahayn.

Hadalsame Media