Ukraine oo si wayn ugu gooddisey bangiyada reer Galbeedka (Waxa ay ku haysato?)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2022 – Bangiyada waawayn ee caalamiga ah ee Galbeedka, oo ay ku jiraan JPMorgan Chase, HSBC, Citigroup iyo Credit Agricole, ayaa “gelaya dambiyo dagaal” maadaama ay maalgeliyaan shirkadaha leh maraakiibta qaada shidaalka Ruushka, sida uu yiri sarkaal sare oo reer Ukraine ah.

Waraysi lagu qoray Financial Times, oo qaybo ka mid ah la daabacay Jimcihii, Oleg Ustenko, oo ah La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxwaynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa ku andacoodey in hay’adahan maaliyadeed ay dembiileyaal ku yihiin “caawinta nidaamka Putin,” isaga oo tixraacaya ganacsiga shidaalka Ruushka.

Dakhliga kasoo gala, ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in loo isticmaalayo in lagu maalgeliyo weerarka Moscow ee ka dhanka ah iyaga, sida ay Kiev sheegtay.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale saxafiyiinta u sheegay in Wasaarada Cadaalada ee Ukraine ay dacwayn doonto bangiyadan iyadoo la tiigsanaysa Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada marka uu dagaalku dhamaado. Ustenko waxa uu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Kiev ay isha ku hayaan daymaha ay bunuugtani bixiyaan, gaar ahaan taageerada ganacsiga shidaalka Ruushka.

Sida laga soo xigtey FT, horraantii usbuucan La-taliyaha Madaxwaynaha wuxuu warqado u diray maamulayaasha hay’adaha maaliyadeed ee JPMorgan Chase, HSBC, Citigroup iyo Credit Agricole, kaas oo uu Ustenko ku boorriyey inay joojiyaan bixinta daymaha ay siiyaan shirkadaha ka ganacsada saliidda Ruushka iyo iibinta saamiyada saliida iyo gaaska ee ay leeyihiin Gazprom iyo Rosneft oo Ruush ah.

Sarkaalka Ukraine ayaa lagu soo warramayaa inuu ku eedeeyey bangiyadan inay “dheereeynayaan” dagaalka Ukraine wuxuuna ka digey inaan loo ogolaan doonin inay ka qayb qaataan dib u dhiska Ukraine dagaalka kaddib.

Hadalsame Media