Dayuurad xamuul ah oo hub u siddey dal Muslim ah oo burburtay (Inay hub halis ah waddey oo laga shakisan yahay)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2022 – Askar gashan dharka gaarka ah ee hazmat-ka ayaa goobtii ay ku burburtay diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo laga lahaa Ukraine ka raadinaya calaamadaha nukliyeerka iyo walxaha kiimikada, walow ay sidey ku dhowaad daraasiin tan oo ah madaafiicda hoobiyaha iyo miinooyinka dhulka lagu aaso.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Antonov An-12 oo hubkan kasoo qaaday dalka Serbia kuna sii jeedey Bangaladesh ayaa waxaa saarnaa 8 shaqaale ah oo u dhashay dalka Ukraine oo aan qofina ka fiigin.

Sarkaal ka tirsan shaqaalaha xamuulka ee Kyiv Meridian ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters: ‘Dabcan kama ay badbaadin shilkan.’

Dad goobjoogayaal ah ayaa muuqaal ka duubay shilkan oo uu ka samaysmay dab leh qaabka kubadda, iyadoo ay qaraxyadu sii socdeen muddo labo saacadood ah.

Sawirro lagu soo qaaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ayaa muujinayey burbur ka soo faniinay diyaaradii waynayd oo daadsan goobta shilka.

Wasiirka Difaaca Serbia ayaa sheegay in diyaaraddu ay siday 11.5 tan oo hub ah oo ay sameeyeen wershadahooda difaaca, cidda iibsatayna ay tahay Wasaaradda Gaashaandhigga Bangladesh.

Maamulka Giriigga oo ah halka ay ku dhacday ma bixin karo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan shixnadda diyaaradda.

Hadalsame Media