“Weligiin kasoo kaban maysaan jugta aan markan idiin gaysanno!” – Ruushka oo Maraykanka & Ukraine digniin culus u diray

0

(Moscow) 17 Luulyo 2022 – Jawaabta uu Ruushku ka bixinayo weerar ay Ukraine sheegtay inay kusoo qaadayso bartilmaameedyada Crimea ayaa noqon doonta mid aad u adag oo aanay maamulka Kiev waligood ka soo kabsan doonin, sida uu ku gooddiyey Mikhail Sheremet, oo Crimea ku matala Baarlamaanka Ruushka.

Isagoo ka faalloonaya hanjabaadda joogtada ah ee saraakiisha Ukraine ee ah in ciidamada Kiev laga yaabo inay garaacaan bartilmaameedyada Jasiiradda Crimea ama buundada Crimea, Sheremet wuxuu carrabka ku adkeeyey in tillaabadan oo kale ay raaci doonto “Dhirbaaxo xun oo ku wajahan xarumaha go’aan-qaadashada Kiev, kaabayaasha millateriga iyo kanaallada saadka.”

“Maamulka Kiev waxaa ku dhici doona diidmo jug culus oo uusan dib u soo kaban doonin,” ayuu xildhibaanku u sheegay RIA-Novosti maanta.

The warning follows Saturday’s statement by Ukrainian military intelligence spokesman Vadim Skibitskiy, who claimed that Crimea could be targeted by US-supplied М142 HIMARS and M270 MLRS multiple launch rocket systems.

Digniintan ayaa daba socotey hadal uu Sabtidii sheegay Afhayeenka Sirdoonka Millateriga Ukraine Vadim Skibitskiy, kaas oo ku andacoonaya in Crimea laga yaabo in lagu bartilmaameedsado gantaalaha Maraykanka ee М142 HIMARS iyo M270 MLRS.

“Ruushku weji fiican kulama sii dhaqmi doono cadawgiisa haddii Maraykanku uu go’aansado inuu ku biiro safkooda. Waxaan fursad u haysannaa inaan meesha ay mudan yihiin taagno mas’uuliyiinta Mareykanka, kuwaas oo mar hore ka gudbay dhammaan khadadka cas.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media