XOG: MW Xasan Sheekh oo safarkii 5-aad u baxaya & dalka uu booqan doono

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu warramayaa inuu isu diyaarinayo safarkii 5-aad oo uu ku tegayo dalka dibeddiisa.

MW Somalia ayaa shalay ku sugnaa dalka Kenya oo uu lasoo galay heshiis ay ka mid tahay in Jaadka Miirowga dib loo furo.

MW Xasan ayaa wuxuu todobaadkan bilowgiisa wuxuu u socdaalayaa dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Geelle & Maxamuud ayaa yeelan doona wada hadalko gaar ah oo khusayn doona siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Safarkan ayaa dhanka kale noqonaya kii 5-aad ee uu dibedda ku tago Xasan Sheekh tan iyo markii Madaxwaynaha loo doortay 15 Maajo.

Madaxwaynaha ayaa waxaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safarro dibedda ah ku qaatay.

Hadalsame Media