Ruushka oo dokumenti muhim ah in gacantiisa lasoo geliyo ka dalbaday dal wayn oo reer Galbeed ah + Sababta & Digniin

0

(Moscow) 16 Luulyo 2022 – Camaaliqada Tamarta Dowladda Ruushka ee Gazprom ayaa si rasmi ah uga codsatay shirkadda wayn ee Jarmanka ee Siemens inay iyaga usoo gudbiso dukumentiyo  muujinaya soo celinta marawaxadaha gaaska ee muhiimka ah, kuwaas oo ku xayiran wershad ay shirkaddu ku leedahay Canada cunaqabatayn darteed.

Luulyo 15-keedii, Gazprom waxay si rasmi ah uga codsatay Siemens inay soo gudbiso dukumentiyo, in kasta oo ay cunaqabatayni hadda Ruushka ka saaran tahay dhanka Canada iyo Midowga Yurub, misna oggolaanaya dhoofinta mishiinka marawaxadaha gaaska tuura ee saldhigga Portovaya, oo ah xarun aad muhiim ugu ah dhuumaha [ Nord Stream] ee gaaska Ruushka iyo fulinta Siemens ee waajibaadkeeda ku saabsan dayactirka iyo dayactirka matoorrada riixa marawaxadaha gaaska,” ayaa lagu yiri bayaanka Gazprom, sida ay soo xigatay Wakaalada Wararka ee Interfax.

Gazprom waxa ay ka digtey in ku guul darraysiga soo celinta marawaxadahank ay khatar galin doonto shaqada Dhuumaha Nord Stream, ee isku xira Ruushka iyo Germany, iyo sahayda gaaska dabiiciga ah ee macaamiisha kale ee woqooyiga Yurub.

Dhuumaha Nord Stream, oo ka mid ah wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee gaaska Ruushka loogu dhoofiyo Yurub, ayaa hadda shaqada ka maqan sababo la xiriira muddo 10 maalmood ah oo loo qorsheeyey dayactir.

Hadalsame Media