XOG: MW Xasan Sheekh oo safarkii 6-aad u baxaya & dalka uu booqan doono

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  safarkiisii 5-aad waxa uu ku tegey dalka Jabuuti.

MW Somalia ayaa shalay ku sugnaa dalka Kenya oo uu lasoo galay heshiis ay ka mid tahay in Jaadka Miirowga dib loo furo, ayaa si wayn galabta loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti, iyadoo uu Garoonka tegey dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Yeelkeede, safarkan oo ah lugtii 3-aad ee Madaxwayne Xasan Sheekh ku marayo dalalka deriska ah, ayaa waxaa la filayaa in lugta 4-aad ee safarradiisan is xigxiga uu maalinta berri ah ku tago dalka Itoobiya.

Safarkan ayaa dhanka kale noqonaya kii 6-aad ee uu dibedda ku tago Xasan Sheekh tan iyo markii Madaxwaynaha loo doortay 15 Maajo.

Madaxwaynaha ayaa waxaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safarro dibedda ah ku qaatay.

Hadalsame Media