“Ma doonayno inaan idinka aarsanno!” – Ukraine oo la xusuusiyey xasuuq ay hadda kahor u gaysteen Poland (Gobollo ay weli ka haystaan)

0

(Warsaw) 11 Luulyo 2022 – “Poland ma doonayso in ay uga aarguto Ukraine xasuuqii balaadhnaa ee loo gaystay Poles 1940-meeyadii,” ayuu carrabka ku adkeeyey Madaxwayne Andrzej Duda oo Isniintan hadlayey intii lagu guda jirey xuska sannadlaha ah ee dhibbanayaashii xasuuqii Volhynia ee lagu xasuuqay magaalada Warsaw.

Xasuuqan arxan darrada ah waxaa fuliyey Ciidankii Muqaawamada ee Ukraine, garabka mintidka ah ee waddaniga ah ee Ururkii Stepan Bandera ee Bariga Galicia, taas oo lagu daray Jamhuuriyadii Hantiwadaaga ahayd ee Ukraine kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Maalintii ugu darnayd ee xasuuqaasi waxa ay ku beegnayd Luulyo 11, 1943-kii waxaana loogu magac daray ‘Axad Dhiigle’. Waxaa 2016-kii la doortay maalin la xuso xasuuqan.

“Runta waa in si cad oo adag loo sheegaa. Ma jiro aargoosi, mana jirto wax caddayn ah oo taas kaga wanaagsan waqtigan aan nool nahay hadda,” ayuu yiri Duda, isaga oo tixraacaya kaalmada iyo taageerada uu waddankiisu siinayo dadka reer Ukraine xilli ay ku jiraan dagaalka Ruushka ee duulaanka millateri ku qaaday dalkooda.

“Taariikhdu waxay muujinaysaa in aargoosi kasta uu had iyo jeer keeno aargoosi kale.” ayuu yiri Duda, isaga oo intaa ku daray in Warsaw iyo Kiev midna aysan ka faa’iidi doonin iska horimaad dhexmara labada dal, iyadoo xilligaa la xasuuqay in ka badan 100,000 oo Polish ah.

Bishii Abriil, madaxa Adeegga Sirdoonka Dibadda ee Ruushka (SVR) Sergei Naryshkin ayaa wuxuu sheegay in sirta ay heshay Moscow ay soo jeedinayso in Poland iyo Maraykanku ay ka shaqaynayaan qorshe Warsaw ay dib ugu soo ceshanayaan aagag dhuleed ka tirsan Ukraine oo ay u arkaan inay “taariikh ahaan Poland iska leedahay”, walow ay Warsaw taa beenisey.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib, Poland waxay ogolaatay inay ka sabarto gobolka Bari ee Galicia iyo inta badan Volhynia, kuwaas oo lagu daray Jamhuuriyadda Hantiwadaaga Soofiyeedka ee Ukraine.

Warsaw waxaa magdhow ahaan loo siiyey dhul horay uga tirsanaan jiray Jarmalka, gaar ahaana waxay heleen magaalada dekedda ah ee Gdansk (Danzig) oo weli haystaan.

Hadalsame Media