“Puntland ma waxay u dhaqmaysaa sidii dal?!” – Siyaasi dhaliilay tillaabadii saakay & talo uu u jeediyey DF

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2022 – Cumar Cabdirashiid oo horay u noqdat RW DF Somalia ayaa dhaliilay tillaabo ay Maamul-goboleedka Puntland ku diideen inay soo degto Ku-simaha MW DF Somalia, Sacdiyo Xaaji.

“Puntland ma waxay isku dayday inay u dhaqanto sidii dal madax-bannaan markii ay diideen Ku-simaha Afhayeenka Baarlamanka Federaalka oo gargaar loo baahan yahay la gaarsiiyo magaalada Boosaaso?” Ayuu is waydiiyey.

“Tillaabooyinka noocaan oo kale ah ayaa markaas ka dhigaya mid deg deg ah in la dhamaystiro Dastuurka Federaalka qaab siyaasad loo dhan yahay.” Ayuu raaciyey.

Ilo hoose ayaa sheegaya in 12 askri iyo 3 qof oo shacab ihi ay ku geeriyoodeen dagaalkii ka dhashay diyaaradda gargaarka siddey ee DFS ee Boosaaso ee maanta, dhaawaca ayaa intaas ka badan.

Arrintan oo Dastuurka iyo midnimada geyi ee dalka khilaafsan ayaa marar badan horay u dhacday iyadoo qof ka socda DF laga soo celiyey gobollada qaar, ama qof loo diidey inuu ka qaybgalo tartan heer federaal ah.

Hadalsame Media