Arrin haddii ay dhabowdo uu raalligelin ku mudan yahay MW hore ee Farmaajo

0

(Asmara) 10 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas ee Isaias Afwerki.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa haddaba durba maalintii 2-aad ee booqashadiisa guda galay howshii uu halkaa u tegey, isagoo booqday xerada ay ku jiraan ciidanka jooga dalka Eritrea.

Tillaabadan ayaa caadiyan ah mid aad muhim ugu ah guud ahaan dalka iyo gaar ahaan qoysaska balbalsan ee aan meel ku sheegin xubnaha qoyskooda.

Mucaaradka ayaa horay u sheegi jirey in ciidankani ay le’deen, in loo diray dagaalka Itoobiya iwm.

Yeelkeede, haddii ay dhabowdo in ciidankani ay dhan yihiin oo aysan jirin dagaal la geliyey, ciidan ka dhintay iyo dhib gaarey toona, waxaa mucaaradkii hore oo uu ugu horreeyo MW Xasan Sheekh ku waajib ah inay arrintaa ka raalligeliyaan nidaamkii hore iyo madaxdii ugu sarreeysey oo uu Farmaajo ugu horreeyo.

Wixii wacaal ah oo ciidankan ku saabsan ayaa soo bixi doona waqtiyada xiga haddii Alle idmo.

Hadalsame Media